8 arrimmood oo qofkastaa ku hamiyo inuu helo

Maqaalka qormadan waxaynu ku soo qaadan doonaa “8 arrimmood oo qofkastaa ku hamiyo inuu helo”.

Arrimahan oo ah qaar aad u qiimo badan. Qofkasta oo nolol dhammaystiran dooonayana hadaad weydiiso ,  waxaad arki doonto inay ka mid yihiin himilooyinkiisa. Waana kuwan iyaga oo dhammaystiran:

 

 

  • Inaynu noqono dad cibaadaysta oo ALLE ku xidhan. Kuna dadaalaya inay samaha la yimaadaan dadkana gaadhsiiyaan. Sidoo kalena xumaantana ka dheeraada dadkana wacyigeliya intay awoodaan .Hamigooduna yahay raaligelinta ALLE .

 

 

  • Inaynu yeelano lacag iyo aqoon fara badan. Waxa dhab ah in dadka oo dhammi ay lacagta jecel yihiin. Diinta islaamkuna waa ay dhiirigalisay inuu qofku noqdo qof shaqaysta oo isku filaada. Faa’idooyinka lacagtu leedahayna waxay ku soo ururaan laba: dheef adduun iyo mid Aakhiro. Sidaa darteed inaynu ku hamino inaynu yeelano lacag , waa mid nolosheena saamayn laxaad leh ku yeelan doonta. Sidoo kale aqoonta iyo lacagta xidhiidh ayaa ka dhaxeeya inkastoo ay aqoonto ka wanaagsan tahay!

Aqoontuna waxay inaga caawin doontaa inaynu lacagteena ku bixino meelaha ku haboon ee uu ku jiro wanaaga adduun iyo Aakhiro.

 

 

 

  • Inaynu qabano shaqo qiimo iyo xiiso leh. Qofkastaa waxa uu jecel yahay inuu qabato shaqo magac iyo maamus uu ka helayo. Una arkayo inay tahay shaqo bulshada waxtar u leh. Tusaale ahaan dhakhtar , macalin , sheekh ,ganacsade , injineer,saxafi ,abwaan , askari ,IWM.

Waxaana hubaal ah in qofkasta oo shaqo qabtaa ha waynaato ama ha yaraatee , inuu yahay mid  Ka mid ah tiirarka bulshadu ku dhisan tahay ee aanay la’aantii jiri karayn!

 

 

  • Inaynu haysano caafimaad. Caafimaadku waa galad aan wax loo dhigaa jirin. Sidaa darteed aynu ALLE ugu mahadnaqno galadan , cida aan haysana ALLE inuu siiyo ayaynu uga baryaynaa.

 

 

  • Inaynu helno qoys iyo saaxiibo jacayl iyo naxariis inaga dhaxeeyo. Qiimaha ay leedahay inaynu lahaano lamaane , caruur , waalid , qaybaha kale ee qoyska iyo waliba asxaab aynu wada qaadano wakhtiyo farxad iyo xasuus leh. Waa mid aan qalin lagu tilmaami karin.

 

 

  • Inaynu yeelano guri weyn oo raaxo leh! Qodobkan oo ah mid layaab kugu noqon kara. Laakinse marka aad is bar-bardhigo guri weyn iyo guri yar adiga oo ka fiirinaya dhinaca faa’idooyinka iyo faa’ido darooyinkooda labadaba , ayaad dareemi doontaa qiimaha qodobkaan. Sidoo kale nabigeenu waxa uu tilmaamay in guriga balaadhani uu sabab u yahay inuu qofku noqdo mid farxad dareema. Waxa wariyay xadiiskan :

IBNU XABAAN (4032) &  IMAM AXMED ( 1448)

 

  • Inaynu helno wakhti aynu ku qabano waxaynu jecelnahay nafaheenana ugu raaxayno. Qofkastaa waxa uu jecel yahay inuu arrimo kala duwan qabto. Balse waxa laga yaabaa mashquul dartii inuu wakhti u heli waayo. Tusaale ahaan qof ayaa laga yaabaa inuu dalxiiska xiiseeyo, qof kale ayaa laga yaabaa inuu ciyaarista kubbada jecel lyahay . Qof kale ayaa laga yaabaa inuu jecel yahay akhriska , IWM. Sidaa darteed qofkastaa waxa uu ku hamiyaa sidii uu u heli lahaa wakhti uu ku qaban karo arrimaha uu xiiseeyo.

 

  • Inaynu helno fursad aynu addunkan wax kaga badali karto. Himiladani oo ah mid aad u muhiim ah balse bulshadeena aad moodo inay moogan yihiin. Sidaa darteed inaad isku daydo inaad samayso raad ama xasuus togan aad hadha waa mid lagama maarmaan ah. Laakinse su’aashu waxa ay tahay sidee ayaan ku noqan karaa qof raad wanaagsan ka tagi kara?

 

Jawaabta su’aashani meel fog ma jirto. Marka koowaad waxa aad ka bilaabi kartaa kaalinta aad bulshada kaga jirto , tusaale ahaan hadaad  arday ama macalin tahay shaqadaada sida ugu fiican u qabo. Waxa dabadeeto saamayn iyo raad muuqda kuu noqon doonta ku dayashada ay dadku kugu dayan doonaan.

Marka labaad ogow waxaad ku fiican tahay. Marka aad ogaato waxa aad ku fiican tahay kadib , baadh sida aad hibadaada bulshada ugu caawin lahayd. Tusaale ahaan hadaad luuqadaha ku fiican tahay  qoraalada afafka qalaad ku qoran bulshada u soo gudbi , hadaad aqoon maadi iyo diini ah leedahay u soo bandhig , xirfad hadaad leedahay dadka bar. Hadaad waayi-aragnimo leedahay bulshada uga faa’idee . Adiga oo markasta ku bilaabaya dadka kuugu dhaw.

 

 

 

Ugu dambayntii sideedan qodob oo aynu ku tilmaami karno qaar ay adag tahay sida loo wada gaadho balse haddii aynu ALLE talo saarano , dadaalna la nimaadno aynu dhammantood wada gaadhi karno. Sidaa darteed aynu ku dedaalno ka dhabaynta himilooyinkaas inaga oo ku bilaabayna kuwa ugu muhiimsan.

 

Maqaalkan waxaan ka soo qaatay buugga :

Success principles.

JACK CANFIELD.

F.G

Maqaalka qormadan ku xigaa waa uu yaraa dheer yahay fadlan ha loo samro. Mahadsanidin.

Kala socda maqaalkan & maqaalo kaleba labada toddobaad ee u horeeya bil kasta Website-yada ku baxa afka- Soomaaliga kana daalaco maqaaladii hore degelkan:

http://Www.Medium.com/@Kadim

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso