Mudane wasiir hawsha aad qaranka u haysaa way ka weyntahay u gar-naqa maayir & xoghaye. Garyaqaan kayse

Mudane wasiir hawsha aad qaranka u haysaa way ka weyntahay u gar-naqa maayir & xoghaye.

Garyaqaan kayse

Hawlaha wasaaradda daakhiligu uma baahna caaqilnimo balse waxay u baahantahay in Laga badheedho had-ba wixii soo kordha haday murr ka qadhaadhahay.

Wasiirka arimaha gudaha waxa la gudboon ka  go”aan qaadashada khilaafka u dhexeeya xubnaha fulinta dawladda hoose ee hargeysa.

Maaha in wasiirku isku qaldo laba arin oo aan is khuseyn amase aanu dusha iska saarin wax aan is qabanayn muhiimkuna waxa weeye kala saaridda qodobadan:

Khilaafka u dhexeeya golaha deegaanka caasimadda hargeysa &

Khilaafka u dhexeeya xubnaha fulinta (maayirka & xoghayaha).

Arimuhu iskuma jiraan mudane wasiir laba qodob-na yaanay iska kaa dhex-galin.
Khilaafka u dhexeeya golaha deegaanka + mooshinadooda, oo xalintiisu aanay adiga kuu oolin mudane wasiir balse ay golaha u taalo & khilaafka cakiran ee u dhexeeya maayirka & xoghayaha dawladda hoose ee hargeysa. Oo shacabku kaaga fadhiyaan xal u heliddiisa. Waayo waxa u taagan hawlihii shaqo & adeegii ay bulshada u hayeen khilaafkan aawadii.

Iyadoo mudooyinkan denbe ay ka jireen maamulka dawladda hoose ee hargeysa khilaaf u dhexeeyay maayirka & xoghayaha. Kaas oo sababay inay dhamaan is taagaan shaqooyinkii maamul ee dawladda hoose. Iyadoo taasina keentay inuu meesha Ka baxo adeegii bulshadu ku qabtay maamulka dawladda hoose khilaafka awgii.

Hadaba wasiir kaahin waa nin weyn oo Waliba aad u bisil, mudo badana ku soo shaqeynayay caaqilnimo & isu jiidka bulshada. Laga bilaabo markii uu talaabay mudane kaahin ilaa maanta shaqadiisu waxay ahayd:

Abaabul

Isu soo dhaweynta madaxya weyntii Xisbiga Kulmiye &

Soo jiidasho bulsho.

Hadaba maanta shaqada uu qaranka u hayaa way ka duwantahay taa, xiligii caaqilnimaduna wuu soo dhamaaday. Waxaanay maraysaa loogana baahanyahay:

Go”aan qaadasho

Ku dhac &

Inuu ka badheedho hawlaha uu u yahay wasiirkii daakhiliga.

Mudane wasiir cod dheer waxaanu kugu leenahay hambalyo hawlahaagii hore sideedii ayaad uga soo baxday, imikana hawlaha ku horyaalaa maaha kuwo u baahan ka caaqilayn & ka odayayntoona. Masuuliyadda ka saaran amniga qaranku way ka weyntahay hawlihii hore ee aad soo waday intii hore.

Oodo dhacameed-na siday u kala sareeyaan ayaa loo kala guraaye. Ugu horeyn hawlaha amniga qaranka waxa u weyn arimaha nabadgalyada, taasina uma baahna caaqilnimo ee waxay kaaga baahantahay inaad ka badheedho murr haday ka qadhaadhahay. Waayo wixii kaleba waa ila meereyso hawl aad maanta qaban kareysana berri haw dhigan. Waayo goldaloola kasta & dib u dhac kastaaba wuxuu ku keenayaa xagal daac hawlaha qaranka aad u Hayso.

Ugu denbeyn:

Mudane wasiir waxaan ku soo jeedin lahaa inaad ka shaqeyso xal u helidda khilaafka u dhexeeya maayirka & xoghayaha dawladda hoose ee hargeysa. Oo shaqadii & adeegii bulshadu ku qabtayba awgood u taagantahay. Mana aha inaad ku mashquusha arimahooda kale ee ka gole ahaan iyaga u yaala haday tahay mooshin & wax la hal maala.

Waxaanan ku soo jeedin lahaa inaad shaqada ku soo celiso xoghayihii reer hargeysa mudane mawliid kayse muxumed (mawliid qaro). Oo runtii ahaa xoghaye garanaya shaqada dawladda hoose waayo wuxuu soo noqday gudomiyaha dhamaan degmooyinka caasimadda hargeysa. Isla markaana kor u qaaday dakhligii dawladda hoose & ta wasaaradda maaliyaddaba xiligiisii uu xoghayaha ahaa.

Waxaan ku soo khatimayaa mudane wasiir kaahin fadlan la kaalay qorshe cusub oo leh go”aan qaadasho wata fulinteeda.

Qalinkii: garyaqaan Kayse Koosaar Cilmi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso