Ankara oo Sheegatay in ay Dishay 616 Kurds ah dagaalka ay ku qaadeen Afrin Suuriya!!!

Ciidamada Turkiga ayaa sheegay in ay dileen 616 Kooxaha kurdi-ga tan iyo bilowgii howlgalka milatari ee ay ka wadaan Afrin.

Milatariga ayaa ku sheegay hadal uu soo saaray in maalintii tobnaad ee howlgalka milatari ay ku dileen 19 dagaalyahan oo ka tirsanaa Kurdiyiinta, ayna burburiyeen 9 bartilmaameedyo hub ah, xarumaha hubka iyo xarumaha militariga ee ay leeyihiin dagaalyahanada Kurdida.

Ciidanka Turkiga ayaa sheegay in howlgalka milatari uu ku socdo sidii qorshahu ahaa uuna sii socon doonoo.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso