Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna wajahan midnimada Somaliland.bulshada la kala dilay 

Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna wajahan midnimada Somaliland.bulshada la kala dilay

Bismillaahi Arramanirraxeem.Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.

waxaanu ka tiiraanyeysannay dalka jamhuuriydda barakaysan ee Somaliland wanaagga ku soo jirtay muddo rubuc qarni ah ee tacabka la geliyey kana soo kabatay dhibtii digtaatoorkii dawladdi dad iyo duunyaba xasuuqa ba,an u gaysatay shacabka berida ahaa ee aan waxba galabsan ee birma gaydada ahaa.

Muddadii u dambaysay waxaa ka dhex muuqday siyaasad ah in  aan dalka maamulka ka soo talinaayey aanu daacad u ahayn kuna abuuraayey bulshada walaaha ah nacayb iyo kala dil.

  1. Waxaanu ku talin lahayn in ay bulshadu ka feejignaato siyaasadda qalloocan ee aanay dantoodu ku jirin.
  2. In ay ilaashadaan isku duubnida cadawgan dhan uga soo wada jeedaan .
  3. Culimawdiinku qabaa,ilka la kala dilay dibu heshiin u sameeyaan.
  4. Dhallinyaradu in ay dhulkooda u soo jeestaan kana dheeraadaan  wax kasta oo kala qaybinaya iskana jiraan  siyaasadda qalloocan ee dalka ka jirta .
  5. Beelaha sida qaldan isu xulufaysatay ay qiimyaan beelaha kala ee walaalohood danta dalkana laga wada shaqeeyo.
  6. Dawladdu in ka shaqayso walaalaynta beelaha aan kala maarmin.
  7. In aan laga farxin cadawga Somaliland  faragalintiisana dhan looga soo wada jeesto.

Allah ayaa mahad iska leh.

Deeq Cabdi Digale

Advertisement

Ku Xayeysiiso