Shirka Garxajis: Mashruuc dhankastaa u Dhiil culan !

 Shirka Garxajis: Mashruuc dhankastaa u Dhiil culan !

 

Marka aan dib u jalleeco Xusuus-qorkayga waxay ahayd maalin Khamiis ah oo taariikhdu ay ahayd 9kii August 2016, waxaana aanu sii gelaynay Shirkii Todobaadlaha ahaa ee ay Golaha Wasiirradu ku yeeshaan Qasriga Madaxtooyada markii si gaar ah Xubnahayagii ka soo jeeday reerka Garxajid lagu wargeliyay in marka uu shirka golaha Wasiirradu uu dhamaado aanu shir-doceed gaar ah yeelan doono oo aanu soo hadhno.

Masuulyiin Wasiirro, Wasiiru-dawlayaal iyo Wasiir-xigeeno aanan imika jeclayn inaan magacyadooda halkan ku xuso oo reerka Garxajis ka soo jeeda iyo Wasiirkii Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi ayaa kulanku na dhex maray oo fooda is darnay, waxaana si qoto dheer looga hadlay Xukuumad ahaan Go’aanka aanu ka qaadan lahayn Shir ay Beelaha Garxajiska qaybo ka mid ahi ay u ballan-sanaayeen inay Hargeysa ku qabtaan Sabtida 13 August 2016 oo ay markaas laba cisho naga xigeen.

Doodo iyo falan-qayno dhaadheer ka dib waxaanu isla garanay in Shirkaas Beeshu aanuu wax dhibaato ah soo wadin, beeluhuna ay si caadi ah shirar u qabsadaan goor kasta, kanina aanuu ka duwanayn shirarka ay Beelaha kale hore u qabsadeen, sidaas daraadeedna ay Xukuumadu ka gaabsato shirkaas. Hadana isla habeenkii ayaanu mar kale ka shirnay oo hadana aanu isla garanay inaan Xukuumadu wax faro-gelin ah ku samayn shirkaas.

Dabcan aad ayaanu u dareensanayn in Shirkaas uu dabada ka riixayay Xisbiga Wadani oo uu aad ugu lug lahaa qaban-qaabadiisa, hadana may jirin dariiq ay Xukuumadu ku horjoogsan karaysay shirkaas.

SHIRKA GARXAJIS ee APRIL 2018:

Haddii aynu dib u eegno taariikhda ama natiijooyinka Shir beeleed kasta oo Dalkeena lagu qabto oo ay Beelaha reer Somaliland qabsadaan waxaa nuxurkiisu uu ku soo ururaa warsaxaafadeed gunaanadka shirka laga soo saaro kaasoo had iyo goor u dhigma sidan:

1. Madaxbanaanida iyo Qaranimada Somaliland waa Muqadas.
2. Beeshu waxay go’aansatay inay Beelaha reer Somaliland Nabad kula Noolaato
3. Guddi ayay reerku samaysteen.

Run ahaan intaas ayuu ku soo ururaa nuxurka shirar beeleedyada Dalkeena ka dhacaa , waxaana beeluhu markay arrimahooda hoose ka wada hadlaan ee ay xallistaan ay baaqaas guud u diraan Ummada. Waana kaas ka aasaaska ah ee ina tusinaya in Beel meel ku shirtay aanay Xumaan iyo dhibaato soo kordhin ee badiyaa ay danahooda gaar ka wada hadlaan.

Madaxweyne Muuse iyo Shirka Garxajis:

Waxaan aaminsanahay in ay Madaxweyaha u tahay fursad qaali ah inuu arko Abtiyadii Garxajis oo isku dhan oo shiraya, waxaana la gudboon inuu shirkaas booqdo oo uu ka qudbadeeyo, la doodo, u baano oo uu u gudbiyo dareenkiisa ku aaddan Midaynta Shacbiga iyo isu soo dhawaynta bulshada dareenkoodu uu ku kala durkay Ololihii xamaasada badnaa ee doorashada. Madaxweyne Muuse Biixi oo ah Aftahan Waayo-arag ah oo aad isugu kalsoon waxaan hubaal ah inuu hanan doono quluubta Abtiyaashii hadii uu Shirkaas dhex tago hiil iyo hoo na ka geysto qabsoomidiisa.

SHARWADAYAASHA WEJI KU MACAASHKA:

Burburka dhaqan ee aynu ka dhaxalnay dagaaladii Dalkeena ka dhacay ayaa waxa uu abuuray dhaqano xun-xun oo badan oo ay ka mid yihiin waxa loo yaqaan Weji ku macaashka.

Waa Kooxo Cumaamado sita oo qaarkood xilal dhaqan sheegta oo habeen iyo maalin huteelada waaweyn dhex fadhiya, ma shaqaystaan oo risiq xalaal ah uma kalahaan, waxay sugaan cid la soo hadasha oo ku tidhaa cid kale u jawaaba! Waxaanay caan ku yihiin in TV da inta loo ballamiyo waxoogay lacag ahna Zaadka loogu diro ka dibba lagu yidhaahdo u jawaaba reer Hebel ama Hebel. Waxaa kuwaas imika ku soo biiray kuwo siyaasada ku saaqiday oo ummadii ka xishoon waayay oo iyaguna Mashruuca Waji ku macaashka ku biiray. Dadka caynkaasi waa kuwa sii kala fogeeya Shacbiga iyo Xukuumada, waxaana muhiim ah in laga hor tago.

MADAXTOOYADU MADAXTOOYADII HORE MAAHA!

Waxaa Xusid mudan in la xasuusiyo Kooxihii Weji macaashka ku shaqaysan jiray in wakhtigu uu is bedelay, madaxtooyaduna aanay maanta ahayn Madaxtooyadii hore.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu ku socdaa siyaasad aad ugu duwan siyaasadihii hore ee soo jireenka ahaa, waxaana ka go’an in aan isaga iyo shacbigiisa aan loo kala sheekayn ama la isku khuukhin. Waa Madaxweyne Milatari soo maray oo firfircoon goob kasta iyo goor kastana si fudud u tagi kara goob kasta oo Tabasho ka jirto.

Waxaan Madaxweynaha usoo jeedin lahaa inaanuu dheg u dhigin kuwa Shirka Beesha Garxajis u tusaya uguna sawiraya Shir fidno keenaya. Waxaa hubaal ah Beel reer Somaliland ah oo shirtay in aanay marnaba soo saarayn wax Ummada ka nixiya oo dhib ku ah Qaranimadeena iyo Dawladnimadeena.

Ugu danbayn Shirkan Garxajis waxaa muuqata in ay kooxo Wadani ah iyo Kuwo Xukuumada ahiba ay u dhiilal culanayaan macaashna ka dhex raadinayaan iyaga oo qolo kastaa ka faaiidaysanayso caadifada inta u dhego nugul.

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

kaysar@diplomats.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso