Guusha Xukuumada, Guusha Somaliland

Waxa aan ahay qurbajoog uu dhashay Jamhuriyada Somaliland.

Si dalkeenu guul iyo horumar uu gaadho waxa aan xukuumada cusub kula talinaya in:

1. Wershada Sibidhka La Furo

Wershada sibidhka ee la siiyay shirkad Kuwaiti ah oo la yidhaahdo Kipco iyo shirkada Red Sea(Dahabshiil + Berbera Group), dowlada Somaliland-na share ku leedahay, waxa aan xukuumada kula talin laha inay riixdo shirkadahan sidi uu sida ugu dhaqsiyaha badan uu furmi laha wershadu.

Wershadan waxa ay dalka uu tari lahayd dhowr arrimood sida:

A. Joojinta lacagteena adag ee dalalka dibada tegeya markaanu soo ibsanayno sibidhka. (Lacagtani marka wershada la furo dalkeena ayay oolaysaa).

B. Shaqo abuur badan bay keenaysa

C. Dhiirigelin maalgashi kale oo dalka lagu sameeyo(hadi ay shirado dalal shisheeya ah noqon lahyd ama shirkado wadani ah).

D. Somaliland oo dalal kale uu ibgeysa sibidhka halkaasna lacag fiican dalka ka soo gasho

2. Somaliland Development Fund

Waxa aan xukuumada kula talin laha inay riiixdo dalalka lacagta ku shuba Somaliland Development Fund in sida ugu dhaqsiyaha badan ay lacagta cusub ku shubaan si markaas mashruucyo cusub la qorsheeyo ama la bilaabo.

Lacagti hore lagu shubay ee loo hayay dhowr mashruuc sida dekada Maydh oo kale iyagana in sida ugu dhaqsiyaha badan la bixiyo oo la dhaqaajiyo mashruucyada baan xukuumada cusub kula talin laha. Dalkani degdegsiimo buu uu baahanyahay,caajiska ha laga baxo oo ha la dhaqdhaqaaqo si dalku uu horumar ku dhaqaaqo.

3. Wadada Hargeysa-Ina Guuxa ha la dhamaystiro. Dhinaca Itoobiyana culays ha la saaro madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya inu dhinaciisa ka dhiso wado Dhagaxbuur-Ina Guuxa ah. Taasi waxa ay balaadhin doonta ganacsiga Somaliland ee gaadha Itoobiya, iyado faydona uu leh Dowlad Degaanka Soomaalida lafteeda.

4. Mashruucyadi Imaraadku ballanqaaday ha la soo dedejiyo oo ha la bilaabo. Wado kasta oo loo mari karo sidi mashruucyada ugu badan dhaqso uu bilaabmi karaan ha lagu dadaalo. Ambassadorka Somaliland ee Imaraadke mudane Baashe ha la hawlgeliyo si uu guulo la mid ah kuwi uu hore dalka uu keenay uu gaadhi laha ama uu keeni laha.

5. Xidhiidhka Mareykanka

Xukuumada cusub ha ku dadaasho in saamiha Somaliland ka hesho USAID kor loo qaadi laha oo ugu yaraan lacagta la siiyo soomalida(Somaliland iyo Somaliland) in Somaliland heli lahayd 33-35%) halka imika qeybtaanu helno aad uu yar tahay marka runtu tahay inaynu ahayn laba dal oo midoobay oo aan Somaliland ahayn gobol ka tirsan Somalia. Xukuumadu aad ha ku dadaasho in dowlada Mareykanka ka dhaadhiciso qorshahaas. Waxa loo mari kara dowlada Djibouti si loo gaadho guushaash.

6. Somaliland Sir ha Yeelayo oo yaan wax walba la sheegin.

Tusaale in aynu fure cusub oo telefoonada ah raadinayno in la sheego oo cadowga lagu wargeliyo may ahayn. Imika cadowgu wuu ka hortegeya inta itaalkiisa ah. Dalku sir ha yeesho.

Sido kale waxa aanu dalalka saxiibadeena ah kala hadalno yaan la sheegin. Waxa ku filan iyado la yidhaahdo danaha labada dal baanu ka wada hadalnay.

Barlamaanka Somaliland-na ha laga diido in saxaafada soo gasho oo wax ka duubto marka arrimuhu ku saabsan yahiin waxyaabo national securitiga Somaliland ku saabsan ama waxyaabo aynan rabin in cadowgu ogaado oo sir ah(sida tan numberka dal ku galka ee aanu raadinaynay oo kale.)

7. Imaraadka ha lagala hadlo inu Shidaalka inagaga ibiyo qiimo 5 dollar ka jaban qiimaha suuqa, si markaas Somaliland ugu sii ibiso dalalka jaarka ah(Somalia, Jabuuti, Itoobiya iwm). Halkaas lacag fiican baa Somaliland ka soo geli lahayd. Somaliland oo dhaqaale ahaan isu filnaansho gaadha danta Imaraadka ku jirta waayo Somaliland waa wakiilka danaha Imaraadka ee Geeska Afrika. Arrintan hadi aanu Imaraadka kula heshiino waa inay sir adag noqotaa oo aan marna dibada uu soo bixi karin. Walla shirkadaha shidaalka walla xukuumada baan cid uu sheegi karin. Waa uun in laga faydaysta. Reer Somaliland hadalkooda badan baa wax badan ino dhimaysa,mararka qaar guushaada oo aanad ku faanin baa fiican. Laakin hadi aad cadowgaaga guul kasta ugu faantid isaguba talaabu qaadaya sidi uu guushaada uu babiin laha.(tusaale neefki cudurka qabay ee kismaayo laga dhoofiyay baa masuul ka.aha in ganacsiga xoolaha Somaliland iyo Soomaalida oo dhan uu Sacuudigu uu joojiyo).

Advertisement

Ku Xayeysiiso