Tacsi Madaxweyne Geerida Marxuum Alle ha u naxariistee Marxuum  Caaqil Maxamed Biixi Cabdi

25/01/2018

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum  Caaqil Maxamed Biixi Cabdi oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 25/01/2018, Magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed ka baxay shacbiga iyo qaranka Somaliland, door muhiimana ku lahaa nabadayntii, dib u heshiisiintii iyo dib u dhiskii dalka, Marxuumku waxa uu ka mid ahaa madaxda dhaqanka ee gobolka Daad-madheedh.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

Aamiin Aamiin Aamiin.

Advertisement

Ku Xayeysiiso