Daawo-Wareysi Xiiso Badan-Waxaanu Ku Howlanahay In Aanu Soo Saarno Dhalinyaro Da`yar Ah Oo Qarankeenu Ku Xisaabtamo..

Hargeysa(Toggaherer)-Wareysi Waxaanu Ku Howlanahay In Aanu Soo Saarno Dhalinyaro Da -yar Ah Oo Qarankeenu Ku Xisaabtamo..

AGaasimaha Guud Ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Maxamed Hassan axmed(Dhabeeye)- Oo maanta wareysi khaas ah Ku siinaayey shabakadani Toggaherer ayaa warbixintiisa ku bilaabay sidan:
(Marka Hore waxay wasaaradani qarankeena somaliland ugu sugan Tahay dhalinyarada iyo ciyaaraha,dhalinyaraduna maanta somaliland waa Tirada Ugu badan Bulshadeena,wadanka somaliland waa wadan degan xasiloon oo ay in muddo ahba ay xasilooni ka jirtay xagga nabadgalyadana wadamada Dunida ugu horeeya ayeynu nahay run ahaantiina dhaqaalihiisuna waa mid soo kobcaaya oo kolba meel soo maraayey waana wadan ka soo kabanaayey dhibaatooyin rabshado iyo dagaalo,iyo ummadeena oo qaran nimadeedii la majaro habaaybiyey mudadii ugu horaysay waxay ayahd mudnaantu dalkeena daganaanshihiisa iyo dhismaha hay-adaha kala duwan ee Dowlada ,waana aynu ka warqabnay dunuufaha uu soo maray dhalinyaraduna qayb weyn oo la xaadleh ayey ka qaateen ee dalkan dhismahiisa haddii ay tahay xorayn tiisa haddii ay tahay nabadgalyadiisa .
markaasi maanta way muuqataa dareenada jira ee dalka somaliland horyaala ee miiska u saaran waa jahaynta iyo dhidibo u aasida dhalinyarada somaliland masuuliyiintii somaliland soo maray waxay ka qaateen kaalin weyn waxaanan qabaa maanta in ay marayaan dhalinyaradu halkii ugu fiicnayd waxaanan rajo ka qabnaa in dhalinyada kor loo qaado oo labaro xirfado kal duwan lana kordhiyo shaqo abuurka iyo qaabka ay dhalinyaradu shaqo u heli lahayd iyadoo dowladeenuna fudaynayso in xeerarkii iyo shuruucdii kala fududeyn lahayd ay samayso waxaana qorshahayaga imika ah waxaana ka mid ah in xukuumadu jahayso
dhalinyarada jaamacahadaha dalka ka soo qalinjabinaysaiyadoo loo samaynaayo shaqo qaran
oo la kala nidaamiyo in dhalinyarada wadanka la dhiirigaliyo,talada wadankana qayb laga siiyo iyo in wax alaale wixii suurto gal ahba lala qabtowaxaana barnaamijka xisbiga kulmiye oo uu ku howlgalay oo wax badan laga fuliyey oo intii badnayd laga qabtay oo aynu ka warqabnay oo arrimo badan oo Aas aasiya laga qabtayiyadoo imikana barnaamijka xisbiga kaalin laxaadle ay kaga jirtaa waxaana hadda lagu howljiraa qorshaheedii sidii uu madaxwenaha qarankeena somaliland Muuse Biixi cabdi Uu sheegay).
Halkani Ka Daawo wareysigaasi oo Faahfaahsan:

Advertisement

Ku Xayeysiiso