Daawo :Guddida Dhismaha Waddada-Cad Oo Qado-Sharaf Ku Maamuusay Qeyb Ka Mid Ah Masuuliyiinta Guddidaasi Ee Dalka Maraykanka, Sidoo Kalena Iclaamiyay Bilawga Wajjiga Sadexaad Ee Dhismaha Waddada-Cad .

 

Qado-sharaftan ayaa ka dhacday Ambasador Hotel Ee Hargaysa, waxaana ku sugnaaa Gudoomiyahaa Guddida Sahan-barwaaqo Eng Maxamuud Muuse Gooni, Gudoomiye ku Xigeenka Guddidaasi Suldaan Cismaan Baane, Gudoomiye ku Xigeenka Guddida Dhismaha Waddada-cad Sheekh Maxamed Cali Geeddi, Xog-hayaha Guddida Faysal Cayuun .

Qado-sharaftan ayaa lagu maamuusay saddex masuul oo ka mid guddida Dhismaha Waddada-cad kuwaas oo ka yimid Dalka Maraykanka .

Xubnahan loo qabtay qadada ayaa ah xubno door muhiima ka soo qaatay qaadhaankii jaaliyadda Maraykanku kaga qeyb-qaateen Dhismaha Waddadan, iyagoo wajjigan Sadexaad kaga qeyb-qaatay oo bixiyay  53,000 Dollar . 

 

Hoos Ka Daawo Muuqaalkan .

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso