Shaqaalaha Dawladda Ummadda Somaliland Uma Sina Oo Cidbaa Badsatay Ee Muxuu Madaxweyne Muuse Biixi Ka Qaban Doono?.

Shaqaalaha Dawladda: Qodob Waa Iga Bogaadin Midna Waa Iga su’aal.!!

Guddoomihaha hay’adda shaqaalaha Sharmaarke Geelle waan bogaadinaya . Shakhsi ka soo baxay shaqadiisi weeye Madaxweyanaha waan ku hanbalyeynaya inuu ku nageeyay xilkii uu Qaranka u hayay .

Midna waa iga su’aal: In shaqaalaha Dawladda laga saaro wixii ku dheraad ah lana qiimeeyo waa qodob fiican. Waxaase is waydiin leh maxaa laga yeela Madaxweyne isu dheelitir la’aanta shaqaalaha Dawladda u shaqeeya ee Gobolada iyo guud ahaan Somaliland ka jirta?. Waayo ileen muslinow xaqa sheeg ayaa la yidhi. Miisaanka shaqaalaha dawladdu docbu ka raranyahay wax qarsoona maha, marka kuwa badsadayna waa muwadiniin kuwa laga badsadayna waa Qaranka intiisi badnayd oo waliba waa la kala tuk tuk roonyahay. Wax 25-kii sanno ee Somaliland jirtayba biirayay ayay ahayd sidee Madaxweyne Marka miisaanka yaan lays lee kaysiinbe ma laysku dhawayn karaa ? Qorshahase hadda ma ku jirtaa?

Anigu Wasaaradda Warbaahinta ayaan joogay 700-shaqaale ah ayaanu ahayn isu gayn. Somaliland-ta kale oo dhami 100 maanu ahayn, rer Hargaysa waliba Waqooyiga Hargaysa-na 500 iyo kabadan waa ahayeen. Wasiir Cabdicasiis Maxamed Samaale 24/2/2014 ayaa la badalay intaanu xilka wareejin “300” oo shaqaale ah oo “A” ah oo meel qudha ayuu maaliyada qoray, Wasiir Zamzam Cabdi Aadana waa ku raacday markay xilka la wareegtay. Waxbarashadu waa lamid, madax qaybeedyada maaliyada iyo maamulka ee Wasaaraduhu %90 doc kaliya ayay ka raran yihiin. Saddexdii sanno ee hore ee muddo xileedka Siilaanyo shaqaale 1500 ah ayaa sannadkii la qaadan jiray. Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Waxbarashada iyo Guddoomiyihii hay’adda shqaalaha oo Nuux Sheekh ahaa ayaa qaybin jiray xitaa Siilaanyo iyo Xirsigii awooda badnaa wakhtigaasi ma ogayn Ilaa Awdal mudaharaaday oo Dikreeto Madaxweyne lagu joojiyay in Shaqaale dawladeedba la qoro ilaa lay saga imanaayo. Wax dhacay ayay ahayd eeda cid kasta ha la haate.

Marka Madaxweyne madax taabad mooyaane dadka wax ma loo qaybinayaa,? Adigu fariid dawrkaa qaata maad noqon Xukuumaddihii ka horeeyay way ku dhici waayeen, tii Siilaanyo hawgu darnaato oo iyadu xaggii miisaanku jiray ayay sii foocisay. Marka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi anigoo aan la hayn cidna ha la dulmiyo hadana waxa yar ee aynu hayno si Cadaaladda ma loo qaybin kara?!.. Gobolada Sool, Togdheer, Sanaag iyo Awdal iyo Hargaysa in badan wallahay qaybtaa hore way ku dulmanaayeen.

Xitaa Waxbarashada Dalku wuu kala hor dhaqaaqay amma Xukuumaddo hore hays dhaafiyaan amma Caasimaddu jaanis ha noqote, sidee dhalinyaradda 25-kii sanno ee hore qaday hadda loo soo gacanqaban si dheriga gacanta loo wada galiyo.?? Markaas ayay macno samaynaysa shaqaale la hagaajiyay iyo dawlad wanaagu. Haddii intii badsatay wada tacliin haysato inta cusub muddo 10-sanno ah Shaqaalaha Qaranku qaadanaayo ma loo xidhayaa Goboladi qaday? Mise inta hore u badsatay ayay ula sinaan doonaan?.. Su’alahaas hadaan jawaab loo haynin in wax la shaandheeyo xiiso maleh . Xalkeenuna waa “Hora loo soconayaa lakiin meeldhaw ayaa laga laabaya”..

Muniir Axmed Cigaal.

Advertisement

Ku Xayeysiiso