Sawiro :Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Gaadhay Deegaanka Tuko-Raq, Sidoo Kalena Soo Kormeeray Jiidaha Hore Ee Ay Ku Suganyihiin Ciidamda Qaranka Somaliland .

Madaxweyne ku Xigeenka Somalialnd Mudane C.raxman C.laahi Saylici iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta gaadhay Deegaanka Tuko-rag ee Gobolka Sool .

Waftigan ayaa waxaa xubno ka ahaa oo ku wehelinyay madaxweyne ku Xigeenka Wasiiro ka tisan Xukuumadda, Taliyaha Guud Ee Ciidamda Qaranka Somaliland Sareeye-Gaas Nuux Taani iyo Saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland .

Ujeedada socdaalka waftigan ayaa nuxurkiisu yahay u kuurgalidda Xaaladda nololeed ee bulshada Reer Somaliland Ee ku dhaqan Degmada Tuko-rag iyo waliba kormeer uu Madaxweyne ku xigeenku ku soo marayo Jiidda Hore Ee Ciidamada Qaranka Somaliland .

Sidoo kale inta uu madaxweyne ku xigeenku ku suganyahay Deegaankaasi waxaa kulamo la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Waliba Madax-dhaqameedka Deegaankaasi .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso