Guushu Waxay ku jirtaa in Aad U fikirtid  Si ka duwan Sidaad u Fikiri Jirtay!

Guushu Waxay ku jirtaa in Aad U fikirtid  Si ka duwan Sidaad u Fikiri Jirtay!

We need an essentially new way of thinking if mankind is to survive. Men must radically change their attitudes toward each other and their views of the future. Force must no longer be an instrument of politics. . . . Today, we do not have much time left; it is up to our generation to succeed in thinking differently. If we fail, the days of civilized humanity are numbered.

—Albert Einstein

Aan isku dayo in aan ka faaloodo marxalladda Somaliland Ku jirto anoo Miqiyaasna ka dhiganaya  haddalka xikmaddu ku jirto ee uu yidhi “Albert Einstein”. Lana hadlaaya madaxda haatan hogaanka u haysa Somaliland iyo Dhallinta maanta Jirtaba, aan horeysiiyo Hoggaanka Hadda jira; Madaxda Somaliland waxay u baahan tahay in ay bedesho habka ay u fikiriyaan, iyagoo kasoo guuraya marxalladii hore ee uu hab-fikirku ku dhisnaa, sidda Waaggu amaba Wakhtigu issu bedelayo ayuu hab fikirka amase habka qorshe ee qofka iyo waddankastaa isu bedelaa, Somaliland waxay kasoo gudubtay marxallado baddan oo daruufo siyaasaddeed, mid dhaqan-dhaqaale iyo mid duruufo bulsheed intaba isugu jirtay,  iyadoo lasoo kufaa-kacaysay marxallada hor leh oo ay kamid ahayd collaado aad u baahsan, se maanta waxay ku naaloonaysaa horumar baaxadleh annoo aaminsan in ay waxyaabo baddan oo Qarranka dhamaystirayaa ay dhiman yihiin; se tiirarkii Dawladdnimo hadda lagu qiimeyn karaa ay dhisan yihiin, Bulsho kasta jiritaankoodu wuxuu ku salaysan yahay hababka ayay u fikirayso, iyadoo hormoodna uu ka yahay cidda kolba markaa hagaysaa, si kastaba ha noqotee waxaynu kasoo dhex baxnay carqallado adag oo uu hormood u yahay Qabyaallad taasoo hoos udhigtay karaamadii iyo meeqaamkii Dawladdnimo se wali ay jiraan hagar daamooyinkii uu katagay.

Innagoo isku duubban shacab iyo madaxda qarankuba ma u fikirikarnaa si macquul ah innagoo bedelayna shacab iyo madaxba aragtiyaha iyo sifooyinka aynu iska aaminsanahay si wadda jirana uga fiirinayna mustaqbalkeena ifaya,  sidoo kalena ku talaabsanayna horumar waara!, Ma bedelikarnaa Siyaasi in aanu ka gudubno nidaamka hoggaan xumo ee uu jiidanayo Qab-yaaladdu?, Shacab ma bedelikarnaa sifadda aynu ku dooranayno hoggaanka iyo cidda masiirkeena ka talinaysa?, Ma doonaynaa in aynu doorrano Hoggaan dhamaanteen danteedda guud kawadda taliya innagoo isku duubban?, Hadday jawaabtu tahay Haa marxalladda aynu ku suganahay waa mid aan inna gaadhsiinayn in aynu la talaabsanno Dunnida horumartay, ee aynu bedelno hanaanka  aynu u fikirayno iyo Hab-qiimeynta nin jeclaysiga ah, iyo sidoo kale sifooyinka aynu iska aaminsanahay!

Haddii Dunnidu ay isku muquunin jireen, ama ay ku guumeysan jireen dalalki markaa dunnida ugu xoogga badnaa dhinaca hubka dalalkii soo koraayey sida Afrika; laysuguna awood sheegan jiray dagaaladdii saameyay dunnida; tusaale ahaan Dagaalkii koowaad iyo kii labbaad  ee Dunnida ka dhacay ayna gadh-waddeen  ka ahaayeen dalalka dunnida ugu awoodda baddnaa sida Ruushka iyo dalalkii is-gaanbuuraysiga ee la odhan jiray NATO ee Africa u horseedday guumeysiga ba’an kuna keenay Africa Qob-qobka.  Innagoo taariikh daa raad-raacayna Maanta siyaasaddu maaha Xoog-xoog se waa nidaam kudhisan siyaasad iyo hanaan dhaqaale isku muquunin ah, anaa kaa dhaqaale baddan iyo annaa kaa dhaqaale baddan!, oo ay beddeleen hanaankii awood iyo xoog isku muquuninta ahaa,  Dunnidu laba dhinac ayuu dhaqaale dalkastaa uu ku tiirsannaa,  rukunna u ahaa sida Warshadaha amaba Dhanka Xoolaha iyo wax soosaarka Beeraha, Se markii wadamadda horumaray ay waxtar iyo horusocod uu keeni waayey wax soosaarkii iyo xoolaha iyo Beeruhu ay uga wareegeen dhinaca Warshaddaha. Hadda Dunnidu waxay xilligan awoodda saartaa Dhanka Warshaddaha, haddaba innagoo raacayna ishana ku hayna hababka is bedelka Dunnida, Somaliland ahaan ma bedelikarnaa Siyaasaddeena iyo Habka aynu u dooranayno Hoggaankeena?, Maanta waxaynu ku jirnaa marxallad adag oo ummaddeena saameeyay sida Abaarta iyo fakhriga , bulshadeenuna 90% waxay ku tiirsan tahay xoolaha nool ee aynu u dhuufino dalalka Khaliijka Carabta, ilaa yagleelkii qarankan curdinka ah waxaynu la soo daaladhacaynay Abaaro baddan oo mid waliba saameyn iyo xusuus ku reebaysay maankeena, dhinaca magaalooyinka “Urban” bulshaddeenu waxay 20% u shaqo tagaan hay’adaha dawliga ah, halka 40% ganacsiga yar yar iyo shirkadaha gaarka ah, 10% ay bulshadu kashaqo ka raadsato Hay’adaha Caalamiga ah, halka 30% ay ku jiraan shaqo la’aan, ma jiraan mashaariico ay hormood ka tahay dawladdu, ma jirto maal-gashiyo Caalami ah oo muwaadiniinta u noqota shaqo abuur, Ma jirto Siyaasadd cad oo dawladda iyo cidkasta oo hunguri uu ka hayo in uu madax ka noqdo umaddan masiirkeeda uu la waddaagi karto shacabkiisa, Ma jirto jihayn Dhallinteena la jihaynayo loona abuurayo goleyaal ay ku madadaashoodaan kagana tashaddaan aayahooda mustaqbaleed, sannad walba jaamacadaha Dibedda iyo kuwadda gudahaba waxaa kasoo baxa kumanaan Arday ah oo diyaar ah, aqoonna la liic-liicaya, doonayana halka ay taagan yihiin in ay kasii dhaqaqaan oo ay hore u talaabsadaan taas oo ay soo food saartay shaqo la’aan.

Haddaba innagoo ka duulayna dhibaatooyinkaas oo dhan wakhti inoo muu hadhine dhalinyarooy’e innaga ayay maanta ina khusaysaa sidii aan aayaheenna uga tashan lahayn unna fikiri lahayn si toggan si aynu masiirkeena amaba mustaqbaleed uga tashano, ee yaynaan kudooran cidda mas’uuliyaddeena qaadaysa qabiil,  ee aynu ku doorrano Aqoon, Hoggaan wacnaan, iyo in uu meel gaadhsiin karo danteena Guud ahaaneed,  ,  Se guul darradu waxay inna dul hoganaysaa markaa aynu madaxdeena ku doorano nin jeclaysi, Qabiil, Aqoon la’aan iyo hoggaan huf-naan la’aan , dabadeedna Guul darradu noqon doontaa mid innaga jebisa adhaxda oo aynu noqon doonaa Dal hagaasay oo aan la talaabsan karrin Dunnida Horumartay!. Haddi aynu guul daraysano ummadda iyo dunnida il-baxa ah amaba aqoonta ku abtirsataa waxay noqon doontaa kuwo tiro-yar oo masiirka dadka dunnida ku nool u abtirin doona, guumeysan doona sidoo kalena hogaamin doona.  sidaa awgeed inta ay taasi dhicin aynu noqono Dal jaan-gooya siyaasadda dunnida, hogaamin kara dhaqaalaha Dunnida, hormuud u noqon karra dunnida, wax laga weydiiyo karo dunnida, aynu noqono Dal aan wax tuugsan se la tuugsaddo, aynu noqono dal loosoo shaqo taggo ee aynaan noqon Dal laga shaqo tago. Gebo-gebaddii dhalinyarooy maanta ayuu go’aankii Inoo Yaalaa!

W/Q: Cabdicasiis Haaruun Maxamed (Haaruun)

E-mail:Harun3099@gmail.com

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso