Anigu waan yaabanahay ee muwaadin adiguna

          Anigu waan yaabanahay ee muwaadin adiguna

Ma anigaa tumaaya caroog aan cod lahayn oo aan cidiba maqlayn,ma dhegaha dadkaa juqaalan mise dastuurka ayaa goor aanan ogayn la furay oo dalkan laga bedelay magaca uu leeyahay!

Muwaadin bal hada ila eeg magaca anigu aan dalkan u aqaano ee dastuuriga ah:

  

QODOBKA 1AAD

QARANKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

 

1.                    Dalkii Maxmiyadda ahaa ee 26kii Juun 1960kii gobanimadiisa ka qaatay Boqortooyadii Midowday ee Ingiriiska iyo Waqooyiga Ayrland (United Kingdom of Great Britain and Northern Ireland), lana odhan jiray Maxmiyadda Somaliland, kuna biiray Soomaliya 1dii July l960kii si ay u wada curiyaan Jamhuuriyadda Soomaaliya [Somali Republic] ee kula soo noqday gooni-isu-taagiisa Go’aankii Shirkii Beelaha Somaliland ee Burco 27kii April ilaa 15 May l99lkii, waxa uu halkan ku noqonayaa sida waafaqsan Dastuurkan dal madax bannaan oo leh xaqa iyo karaamada Qaranimadusa, kuna magacaaban “Jamhuuriyadda Somaliland”.

 

Mar kasta oo aan dhegaysto siyaasiyiin mucaarid ah,masuuliyiin xukuumada ka tirsan,xildhibaano 2da gole ee baarlamanka ka tirsan waxay ku hadaaqaan magaca ‘Somaliland’. Ma carabkooda Ayaan karayn ‘Jamhuuriyada Somaliland’ mise waaba isugu mid Somaliland iyo Jamhuuriyada Somaliland.

Muwaadin miyaanay ahayn sharci jebin qodobkan dastuuriga ah,miyaan la laalin marka golayaasha sharci dejintu saxaafada la hadlayaan ee qunyar ay iska odhanayaan Somaliland.Maxaynu kaga duwanahay kuwa sheegta federaalka Somaliya ee iyagu caadaystay inay ku hadaaqaan Somaliland iyagoo diidan madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland oo kuu haysta maamul iyaga ka tirsan.Taasi miyaanay ahayn inaynu u fulinayno siday inoo qabaan.

Muwaadin anigu garan waayay 26tan sanno kadib waxa madaxda dalka mucaarid iyo muxaafidba,saxaafada iyo madaxdhaqameedba loogu tumanayo qodobkaa dastuuriga ah ee magaca ‘Jamhuuriyada Somaliland’.

Soo jeedin:

1.Afarta awoodood ee dalka haga(Fulinta,Sharci dejinta,Garsoorka iyo Saxaafadu inay carabkooda baraan magaca dalkan ee dastuuriga ah ‘Jamhuuriyada Somaliland’.

2.Wasaarada Warbaahinta iyo saxaafadu guud ahaan waa inay olole iyo wacyi gelin ku sameeyaan dhexdooda gaar ahaan weriyaasha iyo Reporters-ka idaacadaha,jaraaidka,tv-yada si loo hirgeliyo oo carabku u qabatimo magaca dalkan ee ah ‘Jamhuuriyada Somaliland’

 

Anigu waan yaabanahay ee muwaadin adiguna ma yaabantahay?

 

Allaa Mahad Leh

Xuseen Xasan Badmaax

0633146402

0634026100

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso