Daawo :Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii Cabdi Oo Qabtay Shirkiisii Jaraa’id Ee U Horeeyay, Isla Markaana Kaga Hadlay Qodobo Xasaasia Ah .

Hargeysa-(ToggaHerer)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si ballaadhan oo faahfaahsan uga hadlay arrimo door ah oo ku wajahan ammaanka qaranka, gardarrada maamulka Muqdisho ku hayo gobollada bariga Somaliland, sicir-bararka, abaaraha iyo guud ahaan xaaladda guud ee ay Somaliland waqtigan ku sugan tahay.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa hadalkiisa diirrada ku saaray xidhiidhka uu leeyahay axsaabta qaranka ee jirta ee xaqa u leh inay dhaliil iyo toosinba la wadaagaan xukuumaddiisa, shakhsiyaadka u tafo-xaydan inay bulshada dhexdeeda naxli ku beeraan, isaga oo farriin waayeelnimo u diray cid kasta oo u hollota inay bulshada wax u sheegto.

 

Ugu horrayn madaxweynuhu waxa uu ka hadlay siyaasadda gudaha ee dalka, waxaana uu ka hadlay xidhiidhka uu la leeyahay xisbiyada mucaaridka ah ee dalka ka jira, waxana uu  sheegay inuu jiro jawi wada-shaqayneed oo dhexdooda yaalla, isaga oo caddeeyey inay waajib tahay inay axsaabta qaranku gutaan xuquuqdooda mucaaridnimo, “Saddex xisbi qaran baa jira oo jooga oo dalka siyaasaddiisa ka masuul ah, laba waa mucaarid, midna waa muxaafid oo aniga ayaa ka wakiil ah, xilkuna waxa uu saaran yahay xisbul-xaakimka inuu xisbiyada mucaaridka ah ula dhaqmo si ixtiraam iyo karaamo leh, qaybta uu sharcigu ka siiyey inay dalka taladiisa siyaasadeed wax ku lahaadaanna ay qaataan, aniguna taas diyaar baan u ahay, waanu is aragnay oo waanu wada-shaqaynay, walow xisbiga WADDANI xidhiidhkayagu aanu aad u furfurnayn, haddana mar waanu is aragnay oo si wacan baanu ku kala tagnay, in aanu isu soo noqono oo wada shaqaynona waanu ku heshiinay, diyaarna waanu u nahay, xisbiga UCID-na wada-shaqayn wacan baa naga dhaxaysa, waxana aanu oggolahay tusaalahooda, dhaliishooda iyo inay gutaan xilkooda mucaarid  oo aanu la shaqayno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu shaaca ka qaaday in doorashadiisii soo af-meertay xafiiltankii siyaasadeed ee dalka ka jiray, isla markaana uu madaxweyne ahaan ku dhaartay inuu dhex u noqdo axsaabta kala duwan ee qaranka iyo bulshada reer Somaliland, kuwii u codeeyey iyo kuwii ka codeeyeyba, isaga bulshadana ka codsaday inay toosiyaan haddii ay wax gef ah ku arkaan hoggaamintiisa, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maalintii la I dhaariyey waxa is-beddelay oo dhammaaday ololihii siyaasadda ee lagu tartamayey, waxaana la ii dhaariyey in aan dalka oo dhan madaxweyne u ahay oo xisbigii isoo saaray, kii I doortay iyo kii aan I dooranba aan u simanahay, waana waxa aynu ku dhisanahay oo Dimuqraaddiyadda iyo dawladnimada nuxurkeedu waa intaas, masuuliyaddaasina aniga ayey I saaran tahay oo waan fulinayaa, Bani’aadam-na waan ahaye haddii aan gefo toosin baa la igu leeyahay.”

 

Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah ula hadlay dadka aan xisbiyada qaranka ku jirin ee bulshada ula hadla, waxaana uu ka codsaday inay ka dheeraadaan wixii fidno ah ee umadda kal dilaya, isla markaana madaxweyne ahaan uu xil weyni ka saaran yahay inuu bulshada ka qabto cid kasta oo loo arko inay bulshada kala kaxaynayso, “Dadka aan sharcigu siinin inay axsaab noqdaan ama af umadeed ay ku hadlaan in aanay siyaasadda ka abuurin wax aan jirin, mujtamaceenuna wuu badan yahay oo dad badan baa hoggaaminta dadka qayb ka qaata oo culimada, ganacsatada, madax-dhaqameedka iyo bulshada rayidka ahiba cod weyn bay ku leeyihiin, intabana waanu oggolnahay oo marka aynu is-kaashanayno ee aynu wax ku dhisanayno waanu ogolnahay oo xisbiyada ayaa lagu soo ururiyaa oo kolba xisbigii talada haya ayaa lagu soo ururiyaa, qof kasta oo muddakar ah oo hadlaya, da’ ahaan cilmi ahaan iyo aqoon ahaanba ama xilkuu doonayo ha hayee marka uu hadlayo hadalkiisa umadda uun baa qiimaynaysee waxaan soo jeedinayaa waxa aynu warbaahinta isu marinayno ee dad waayeel ah oo nabad iyo midnimo inay horseedaan laga filayey ku hadlayaan aakhiradooda, aduunkooda iyo mujtamaha midna uma wanaagsana, xisbiga iyo xukuumadda midna kagama wakiil aha’e waa inay wanaajiyaan waxa ay umadda dhexdeeda u gudbinayaan, hadalka aynu ku hadlaynaa waa inuu mid qaranka u dan ah ahaadaa, haddii la is dhaliilayona waa inuu ahaadaa mid aan milgaha ka baxsanayn, wixii fidmo iyo tafaraaruq ahna waanu kasoo hor jeednaa, xil baana naga saaran in aanu ummadda ka ilaalino dadka fidmada wada,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu si qoto dheer uga hadlay sicir-bararka aafeeyey noloshada bulshada reer Somaliland iyo waxa xukuumad ahaan uga meel yaalla, waxaana uu shacabka ugu bushaareeyey inay xukuumad ahaan dhawaan soo saari doonaan qodobbo xal ah oo si weyn looga baaraan degay,“Sicir-bararku waa aafo qaran, waana dhibaato inoo taalla, waanu ku jirnaa hawsheeduna way nala taf dheeraatay, laakiin waxaan filayaa in laba saddexda cisho ee soo socda inay inooga soo bixi doonto wixii lagu daaweyn lahaa, kama aanu seexan oo waynagu cuslaatay, waxaana aynu u baahanahy qorshe aan soo noqnoqonin oo aan laab la-kac lahayn, laga bogtay, cidda ay khusayso oo dhammi ka wada-hadashay, ciddii aqoon la bidayona lagala hadlay oo iyada oo lagu heshiis yahay qaran ahaan aynu hawshaas waajahno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu ku dheeraaday gardarrada ay Soomaaliya ku hayso gobollada bariga Somaliland, waxaana uu si cad u sheegay in aanay Somaliland cidnaba duullaan ku ahayn, balse ay sugayso xuduudaheeda dunidu ogsoon tahay, waxaana uu yidhi, “Dhibaataa inaga(Somaliland) iyo Soomaaliya inoo dhaxaysa, laakiin inagu dhibaatadaas eed kuma lihin, Soomaaliyana waxa ay caalamka ugu baaqday oo ay adduunka oo dhan gaadhsiisay inay Somaliland kusoo duushay, caalamkana waxaanu u sheegaynaa in ciidanka Somaliland ka guuray goob Somaliland kamid ah, Gambadho, ayuu ka dhaqaaqay, Tuka-raq buuna tegay, labadubana waa Somaliland, ciidanka Somaliland iyo dawladda Somaliland,  Shacabka Somaliland cidka ka magansan maayaan dhulkooda, haddii ay wax ka qabsanayaan iyo haddii ay meel ka degayaanba waa Somaliland, caalamka waxaanu leenahay kumaanaan xad-gudbin Soomaaliya, xuduudkii 1887 la sameeyey ee dawladihii isticmaarka ahaa sameeyeen ee Afrika oo dhammi ku dhaqanto ee u dhexeeya kamaanaan xad-gudbin, kamana gudbayno, umana jeedno in aanu maanta colaad cid la galno, iyagana u dan ma aha, anagana noo dan ma aha.”

 

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in sugitaanka xuduudda Somaliland waajib tahay, isla markaana ay kaalinta koowaad kaga jirto waxyaabihii loo dhaariyey, “Caalamka iyo Soomaalilya-ba waxaanu u sheegaynaa annagu dagaal diyaar uma nihin oo dalkayaga ayaanu joognaa, waliba halka aanu imika joogno oo ah Tuka-raq 70KM, ayuu xuduudkayagu u jiraa, Distoorka Somaliland waxa uu qorayaa inay xukuumaddu soo sugto xuduudaha Somaliland, xilkii la ii dhaariyey bay kamid tahay, distoorkaa i faraya, Baarlamaanka iyo shicibweynahaa igu daba jooga, waana in xuduuddii la tagaa, waxaana aanu doonaynaa in aanu xuduudayada ku tagno nabadgelyo, Soomaaliya-na garan mayno abaabulka ka socda  ee qabaliga ka socda iyo ciidamada lasoo dhoobay, wax Alle iyo wax maanta dagaalkaas loo abaabulayo garan mayno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tilmaamay inay xukuumad iyo shacabba iyaga oo isku duuban ay diyaar u yihiin inay difaacaan xuduudaha dalka difaacaan, tallaabadaasina ay tahay mid distoori ah, waxaana uu yidhi, “Haddii macnuhu yahay in nimanka Muqdisho joogaa ay leeyihiin anagaa Muqdisho ah oo Somaliland ma jirtee  waa gobollo Soomaaliya kamid ah, walaalow hortaa jire ba waa, taasina mid kuu suurtoobaysa ma aha, wanaagna ka iman maayee, haddii ay taasi kaa fikir tahay oo ay kaa go’an tahay inaad soo duusho oo aad tidhaahdo Somaliland baan xoog ku muquuninayaa, wixii Alle ka dhigo ayey noqonaysaaye difaac baanu diyaar u nahay oo Somaliland iyada oo isku dhan oo isku duuban bay dalkeeda difaacaysaa, waxaana noo ogol xeerka caalamiga ah, waxa noo ogol ka Afrika ka dhexeeya, waxa  noo oggol Ilaahii nagu abuuray halkan ee isaga mooyaane aannaan cid kale ka magan sanaynin.”

 

Madaxweynuhu waxa uu bulshada ugu baaqay inay yareeyaan isticmaalka daroogada qaadka, isla markaana ay u xadhko xidhaan sidii ay dhulka wax ugala soo bixi lahaayeen, si degdeg ahna u diyaarsadaan qorshe cusub oo lagu wajaho is-beddelka cimilada ee sababay inuu roobkii Somaliland ka da’i jirey si weyn hoos ugu dhaco.

 

Sidoo kale waxa uu madaxweyne Muuse Biixi sharraxay socdaallo uu dhawaan ku tegay dalalka Jabuuti iyo Ethiopia, waxaana uu sheegay inuu madaxda dalalkaas ka dalbaday inay si caddaalad ah uga garnaqaan horumarka Somaliland ku tallaabsatay iyo dulmiga ay Soomaaliya ugu garbo duuban tahay, “Laba safar oo aan dhawaan ku tegay labada dal ee jaarka ah, labadaba wada-hadal wanaagsan baa na dhexmaray, waxaana aanu ku nidhi Somaliland waxa ay u baahan tahay in garteeda la horgeeyo EGAD iyo AU-da, idinkaana jaar ah oo noo xog-ogaal ahe gartayada hana loo qaado, Somaliland sidan ah anaa ku xukuma iyo ima xukuntidu waxa ay keenaysaa cawaaqib xumo, Somailand waxa ay tirsanaysaa 31-kii sano ee hore oo midnimadii ah dhibaatadii gaadhay baa ka weyn tii gaadhay 26-kii sano ee dambe, Somaliland in lagu abaalmariyo dimuqraadiyadda iyo nabadgelyada’e uma baahna in lagu ammaano,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Abaaraha dalka ka jira oo haatan deegaanno galbeedka kamid ah kasoo cusboonaaday, ayuu sidoo kale madaxweynuhu ka hadlay, waxaana uu sheegay inay xukuumad ahaan diyaar ula yihiin inay ka gaystaan gurmad ballaadhan oo taagtooda ku salaysan.

Hoos Ka Daawo Muuqaalka .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso