Xallinta Sicir Bararka

      Xallinta Sicir Bararka

Inkasta oo aanan ahayn dhaqaala-yahan hadana sicir bararka iyo qaayo la’aanta waxa aan u arkaa in lagu xalili karo qodobada hoos ku xusan:

 

1.Soo celinta qaayaha shilinka JSL:

Hore ayaan qoraalo uga qoray xalinta sicir bararka balse xukuumadii hore talaabooyinkii ay isku dayday inay ku xalisho sicir bararka waxaan u arkaayay qaar baal marsan xaqiiqada bal hadana aan maanta dhinac kale ka uga iftiimiyo xukuumada cusub.Hadii aynaan xaqiiqada wajahin way inagu adkaanaysaa xal u helida sicir bararku,markaa waxay ila tahay in lagu dhiiradaa Banks shisheeye in laga furo dalka,dib u habayn lacagteena oo ay yeelataa 100,50,20,10,5 shilin,waa inay lahaataa dhururi aan warqad ahayn(2ba shilin oo isku yaal,1shilin,50cents,20cents,10cents iyo 1cent).Lacagtu qiima yeelan mayso hadaanay jirin sarifka yar-yari.Maceeshaduna kor ayuun bay u soconaysaa mar haday lacagta ugu hoosaysaa tahay 500 shilin oo warqad.Talaabadani waxay qaayo u yeelaysaa shilinka JSL,hoosna u dhigaysaa maceeshada cirka isku shareertay ee aan danyarta u saamaxayn nolosha.

Edahab iyo Zaad kana waa inay sharkadahuna u adeeg-sadaan shilinka oo ay hirgeliyaan,joojiyaana inay u adeegsiga $ ilaa inta la qabitimaayo ee uu dalka ka hirgelaayo adeegsiga shilinku.Waa inay barbar socotaa wacyi gelin la siinayo iibiyaha iyo iibsadahu inay wax ku kala iibsadaan shilinka,lagana soo saaro qeexaya inaan lacag kale wax lagu kala iibsan karin dalka gudahiisa.Tanina waxay kobcinaysaa adeegsiga shilinka si uu qaayo u yeesho.

2.Xeerka qiimaha(Price Act)

Si sicir bararka loo xakameeyo ka maarmi mayno in la sameeyo Price Act iyo komishan(Price Control Council).Tanina waxay inoo sahlaysaa si sharcina loo helo cidii fulin lahaydna loo helo.Waxaanay suurta gelinaysaa xakamaynta qiimaha kala iibinta iyo qiimo fadhiya(Price Stability).

Waxa iyana qasab ku ah xukuumada inay soo saarto xeer ay ku ilaalinayso una xadidayso qiimo go’an,lana kordhin karin tusaale ahaan muddo 5sano ah iibinta waxyaabaha aasaaska u ah nolosha(Raashinka,sharaabka,biyaha iwl).Sidoo kale qalab kasta oo dibada ka yimaada lagana helo dalkeen waa in la ilaaliya qiimaha(Price Controls)cashuur culus oo muddaysan la saaraa(5tii sanaba mar la kordhiyaa) kuna xidhan hadba wax soo saarka dalku u kobco. Arrimahan aan kor ku xusay waxay shaqadoodu noqonaysaa ilaalinta iyo xakamaynta soo dejiyaha,qaybiyaha iyo meheradaha xabad iibiyaha ah.Tusaale ganacsadayaasha aan sheegay ha yaraado ha weynaado waa inay shay kasta qiimahiisa ku dul qoraan si Price controller-ku u arki karo qiimaha shayga.

 

Allaa Mahad Leh

Xuseen Xasan Badmaax

Badmah100@hotmail.com

Hargeysa?JSL

Advertisement

Ku Xayeysiiso