Jeegaani Ma Jirtaa Mise Qalinkii: Mohamud Jama

Waxaad moodaa inay dad badan oo reer somaliland ahi ku jaah wareereen Jeegaanta, iyo ciday ka koobantahy, dadka qaarna aanay rumaysnaynba

Hadaba sidaynu wada ognahay ereygan jeegaan wuxuu baxay wakhtigii ololaha doorashooyinka taasoo laysku beerlaxawsanyey, ama lagu kasbanayey shacab u codeeya xusbiga Kulmiye.

Waxay ahayd arin aad looga soo fekeray loga tashaday lasoo lafa guray, sida xaqiiqdu tahay way shaqaysay oo reerkii madaxweynihii hore ku abtirsanayey way codeeyeen oo dalabkii iyo xulafaysigii way ogolaadeen.

Waxaa loogu abtiriyaa jeegaanta ama xulafaysiga, inay reerkan maanta dawlada u madaxda ahi cod aqlabiyad ah siyeen wakhtigii madaxweyne siilaanyo, inkastoo dad badani aaminsanyihiin inay beel kasta oo degta somaliland cod siisay Siilaanyo wakhtigisii,

lakiin sida reer somaliland oo dhami sugaysay waxay ahayd in mar hadii ololihii dhamaday Madaxweyne qaran la doortay laga hadho xulafaysigii iyo jeegaamaysigii.

Suldankii reerka Muse biixi oo ahaa hormoodkii xulafaysiga kuna najaxay wakhtigii ololaha, maxaa keenay maanta inuu arintii xoojiyo oo si qaawan u yidhaahdo dawlada waxaa leh labada beelood?

Jawaabtu waxay ila tahay sida qofkasta oo si degen aragtidiisa u cabiraa uu garan karo oo ah in ay tahay shaambad uu ku dhufanayo reerkii ay is xulafaysteen, iyadoo loo tusayo Somaliland inat kale inay la mid yihiin reerka Muse biixi,

aritaas oo ah mid siyaasadaysan, waana arin aanu keli ku ahayn suldaanku.

Waxay ila tahay inanay reerkan bariga Burco dega aanay wax dheeraada ku haysan dawladan cusub, waxanan filayaa inay wax ay ku waayaan moyee aanay wax dheeraada ku helayn mustaqbalkana.

Waxaa hubaal ah hadii aan arimaha noocan ahi sii socdaan ay horseedayso in Somaliland lagu kala dareero, iyadoo imikaba dad badani qawadeen sida wax u socdaan, ee aan loo sinayn wadanka.

wabilaahi tawfiiq

Mohamud Jama

Advertisement

Ku Xayeysiiso