Gudaha Ka Eeg :Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Wasaaradda Kalluumaysiga C.Kariin Axmed Mooge Oo Hoosta Ka Xariiqay Sababta Wasaaradda Kalluumaysiga Lo Hoos Geeyay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha .

Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Wasaaradda Kalluumaysiga C.Kariin Axmed Mooge Oo Hoosta Ka Xariiqay Sababta Wasaaradda Kalluumaysiga Lo Hoos Geeyay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha .

Wasiirkii hore ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook, waxaanay u dhignayd sidan .

 

Tan iyo intii Wasaaradaha cusub lagu dhawaaqay waxaan isweydiiyaa oo aan jawaab u wayay cida ku talisay iyo sababta in Wasaaradii Kalluumaysiga la raaciyo wasaarada Xanaanada Xoolaha! waa Wasaarad aan mudo ka soo shaqeeyay si fiicana aan u fahmay ahmiyada ay u leedahay wax soo saarka iyo guud ahaan dhaqaalaheena!

Wasaaradda Kalluumaysigu waxay haysay masuuliyad balaadhan sida maareeynta iyo horumarinta Kheyraadka dihin ee ku duugan baddeena Somaliland, Waxaynu leenahay xeeb dheerarkeedu yahay 850km oo kalluun ka buuxo oo hadii si fiican loo maareeyo inoo badali karta lacagtii inaga soo gali jirtay dhoofka xoolaha nool!

Wadamo badan oo aan bad lahayn ayaa samaystay Wasaarado Kalluumaysi sida wadanka aynu jaarka nahay ee Ethopia, inaga oo leh bad iyo xeeb dhererkeedu dhan yahay 850km in aynu hoos geyno wasaarad kale ilama qumana! ahmiyad ahaan in Wasaarada Kalluumaysiga gaarkeedi loo daayo ayaan ahayd!

Horumarinta ku ladhan wasaarado badan iyo Kalluumaysigaa la raaciyay Xanaanada Xoolaha wali jawaab u wayay! Hadii Xanaanada Xoolaha Wasaarad kale la soo raacinaayo si loo dhimo tirada wasaaradaha waxa kaga haboonayd in lagu soo daro Wasaarada ilaalinta Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga oo hada ah wasaarad gaara Kalluumaysigana la horumariyo!

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso