Booliiska Toronto Ayaa Si Buuxda U  Beeniyay In La Weeraray Gabadh Muslimad Ah.

Hargeysa(Toggaherer)-Booliiska Toronto Ayaa Si Buuxda U  Beeniyay In La Weeraray Gabadh Muslimad Ah.

Booliiska dalka Canada ayaa waxa ay sheegeen in weerar la sheegay in la isku dayay in gabadh 11 jir muslimad ah xijaabka looga jaro Maqas uusan weerarkaasi dhicin.

Khawlah Noman oo jimcihii qabatay Shir jaraa'id waxaa barbartaagnayd hooyadeed

Dhacdada gabadhani ayaa warbaahinta qabsatay toddobaadkii aanu soo dhaafnay ka dib markii ay sheegtay in nin sita Maqas uu inta uu gadaal uga yimid isku dayay in uu Xijaabka ka jaro.

Booliiska magaalada Toronto ayaa imika sheegay in dhacdadani oo ay u arkayeen in ay tahay danbi naceyb ku salaysan aysan gabi ahaanba dhacin.

Dhacdadani ayaa caro ka dhalisay dalkaasi ,iyada oo uu xitaa ra’isul wasaaraha Canada Justin Trudeau, uu walaaciisa ku muujiyay qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay.

“Ka dib baaritaan faafaahsan,booliiska ayaa waxa ay ogaadeen in weerarkan uusan dhicin,” waxaa sidaasi lagu sheegay bayaan kooban oo ay booliiska soo saareen.

Booliiska magaalada Toronto ayaa waxay intaa ku dareen in baaritaanka imika la soo gabagabeeyay.

Shir jaraa’id oo jimcihii ay qabatay gabadhani oo lagu magacaabo Khawlah Noman ayaa waxa ay sheegtay in ay xitaa ka baqayso in iskuulka ay dib ugu laabato.

Advertisement

Ku Xayeysiiso