“Boko Haram” oo Sii Daysay fiidiyow cusub oo ku saabsan gabdhaha ay afduubka u haystaan!!!

Boko Haram, oo ah koox xagjir ah oo ka tirsan Daacish, ayaa daabacday fiidiyoow Isniintii oo muujinaya gabdhahii laga afduubtay dugsiga sare ee magaalada Chebok ee Nigeria bishii Abriil 2014.

Fiidyawga ay daabacday kooxda xagjirka ah iyada marisay qaybteeda Dacaayada, waxay muujinaysaa koox ka kooban 12 gabdhood oo mid ka ahi ay ku sheegayso rabitaankooda oo ah in aanay doonayn in ay ku noqdaan guriyahooda.

Dadaalka Nigeria iyo beesha caalamku ku doonayso in ay sii daayaan gabdhaha ilaa iyo hadda ayaa ah mid lagu guuldareystay.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso