Kadib digniin khaldan oo ku saabsan weerar ballistic ee Hawaii .. Guddoomiyaha gobolka oo ka hadlay sababta!

Guddoomiyaha gobolka Hawaii, David Eg, ayaa sheegay in fariin qalad ah, oo ay ku jirto digniin ku saabsan gantaal ballistic ah oo u socday Hawaii, waxaa sababay qalad bani-aadam.

“Khaladaadka ayaa la sameeyey intii lagu jiray nidaamkii caadiga ahaa markii isbeddel cusub oo shaqeed iyo shaqaale isbeddel la sameeyey, taasoo muujinaysa in mid ka mid ah shaqaalaha uu si khalad ah u cadaadiyey Botom,” ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka.

Wuxuu tilmaamay in adeegga gurmadka degdega ah uu 40 daqiiqo qaatay si uu u diro farriin labaad si loo beeniyo khatarta oo uu caddeeyo arrinta, isagoo sharxaya sababaha dib-u-dhaca ku yimid inuu xaqiijiyo xaqiiqda xaaladda, dhab ahaantii waa halis ama maahan, ka dibna wuxuu helay fasaxa Xukuumada Federal ka in fariin labaad loo diro laguna diro telefoonnada gacanta.

Fariin gobolka Hawaii ayaa Sabtidii uga digtay dadka deggan gantaal. waxayna u yaaceen hoyga ugu dhow sida ugu dhakhsaha badan waxaana lagu sheegay in aanu ahayn digniin tababar, taas oo horseedday xaalad wareer iyo jahawareer ku ah gobolka oo dhan.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso