Hal Aan Ka Idhaahdo Madashii Meherka Ee Burco Iyo Hargeisa Kulmisay!! W/Q: Buraale Jama Essa

Hal Aan Ka Idhaahdo Madashii Meherka Ee Burco Iyo Hargeisa Kulmisay!!

 

Maalin Khamiiseed Galin Danbe Ayaanu Hargeisa Kaga Baxnay 50 Qof oo isugu Jirey Masuuliyiin Dowladda Ah, Salaadiin, Cuqaal iyo Dhalinyaro. Inagoo u Sii Jeednay Magaaladda Madaxda Gobolka Togdheer ee Burco. Waa Subax Jimceed, (12 Jan 2018) Nasteexo Hotel Iyo Bariga Burco, Balse Qoraxda Barri ka soo baxdey kaga asteysan tahay balanta tolka iyo xididka cusub ku balansan yihiin madal dhaqameed oo soo jireen Ah oo lagu yagleellayey raas cusub [Meherkii Caruuska Ciid Faarax Warsame iyo Salma Cumar Faarax]. Aroortii hore ayaan telefoon ku toosiyey walaalkay (Ciid Faarax Warsame) oo dabcan ahaa Caruuska Ciyaarta loo tumayo ee la wada sugayo, Markaan kaga yeedhsiiyey aleenkii [ringtone] talefoonkiisa durtadiiba wuu iga qabtay se waa (Ciid) oo aan is idhi malaha xalay si wacanba umuu seexan oo kurbada ay hawshan noocan oo kale ahi caanka ku tahay ayaa laamadood u diiday oo haddii cabiri lahaa xaraarradda qulqulka dhiiga ee jidhkiisa ku wareegayay waxay halbeegeedu lamid noqon lahaa xummada xanuunka duummadu qofka dareensiiyo. Waxaan kala qaadaney xogtii u danbeysey iyo halkay wax marayeen Waftigii Hargeisa Aan kaga Baxnay Ayaa Abaaro 9kii subaxnimo Ku kulmay Albaabka Hore Ee Hotelka Si toos Ahna ugu Gudbay Hallkii Ay Munaasibaddu ka Dhacaysay. Madashii ayey si bilan isku hor fadhiisteen labada tol ee maanta arrinka dhaqan u fadhiya, xoogaa iyo diyaar garow dhalinyaro ayuu caruusku dibada ku yara habsaamiyey. balse kama danbeystii ayuu soo galay hall ka oo la wada sugayo. Salaan ayuu ragii safka hore fadhiyey caruusku ku boobay, horena aan ka bilaabay munaasibadda oo aayaado quraanka kariimka ah lagu furey, Tolka inannta doonayey ayaa weydiistay Salma Cumar Faarax Xididkii hor fadhiyey afka Suldaan Ahmed Caddegude, Kuye: Waxaanu idinka fadhinaa qudh ahaan iyo qabiil ahaan idinna weydiisaneynaa in la siisaan Salma Cumar Faarax oon aan u dooneyno Ciid Faarax Warsame. Suldan Barkhad Cabdi Sheybe baa hadalka u baxay oo yidhi Qudh iyo Qabiilba waan idin siiney Salma Cumar Faarax. Ayanle Galbeedi ayaa la soo booday gabaatigii iyo yaradkii. Geeluna wuu daba socdaa ayuu raaciyey Suldaan Caddegude. Noo meheriyana la yidhi iyo Aqbaltu. Waxaana Loogu Horeysiiyey Intii Waajibka Aheyd In Meherka Labada Lamaane La Xidho. Intaas ka Dibna Waxaa Si Talantaali ah Kaftan dubaax Ah isku Weydaarsadey Odayaashii Labada Ardaa ee Gacalnimadda Wadaagay, Iyadoo Ay Ka Muuqatay In Ay Yihiin Bulsho isku Laheyd Aqoon Dhaqan oo qoto dheer. Waxaan lamaanaha cusub ugu duceynayaa ducadii rasuulka “Baarallahu laka wabaarik Caleyk Wajamaca beynahumaa fii khery

 

W/Q: Buraale Jama Essa

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso