Daawo: Dawlad Deegaanka Somalida Ethiopia Oo Markii ugu horaysa ku Guulaystay Samayn Biriij Muhiim Ah oo isku xidhaaya Gobolka Liibaan iyo Daawo

Leey (Togaherer): Khamiis, 12ka January, 2018. Waxaa Maanta Markii Ugu Horaysay Taariikhda Deegaanka Abid Lagu Soo Xidhay Deegaanka Gobolada Daawo Iyo Liibaan Oo Gabi Ahaanba Deegaanka Intiisa Kale Ka Go’naan Jiray, Waxayna  Xukuumada DDSI Oo Ka Duulaysa  Taaba Galinta Qorshayaasha Horumarineed Gaar Ahaan Dhinaca Sahlida Isku Xidhka Gobolada Iyo Degmooyinka Deegaanka Ayaa Waxaa Maanta La Kahirgalisay Oo La Dhamaystiray Wabiga Daawo Gaar Ahaan Tuulada Galuun Ee Degmada Dhakaasufti  Buundada Isku Xdhaysa Gobolada Daawo , Liibaan Iyo Afdheer  Taasi Oo Ka Dhigan In Maanta Lagu Soo Xidhay Gobolada Liibaan, Daawa Iyo Gobolada Kale Ee Deegaanka.

Haddaba,  Waxaa Xusid Mudan In Maanta Waa Cusub U Baryay Guud Ahaanba Shacabka DDSI Ee Ku Dhaqan Gobolada Daawo Iyo Liibaan Kuwaasi Oo Dhibaatooyin Xoog Leh Ka Haysan Jirtay Dhinaca Isku Socodka Deegaanka Intiisa Kale Taas Oo Ay Markay Ka Tagayaan Caasimada Deegaanka Ee Jigjiga Ee Ay Tagayaan Gobolada Daawo Iyo Liibaan Ay Sii Dhexmari Jireen Deegaano Kaladuwan Oo Ay Kamid Yihiin Deegaanka Oromada, Deegaanka Hararida, Maamulka Dire-Dawa, Maamulka Magaalada Addis-Ababa Iyo Deegaanka Shucuubta Koonfureed Islamarkaana U Socon Jiray Masaafo Dhan  3000 Kun Oo KM   Qaadan Jirtay In Ay Socdaan Ugu Yaraan Afar Maalmood  Daal Iyo Rafaad Badana U Dheeraa. Waxaa Kale Oo Dhibaatooyin Badan Ka Haysatay Dhinaca Isusocodka Ganacsiga Oo Ay Ka Xanibnaayeen Inay Ku Xidhmaan Gobolada Kale Ee Deegaanka.

Balse Waxay Maanta Xukuumada DDSI Ka Hirgalisay Buundo Iskuxidhaysa Goboladaas Iyo Deegaanka Intiisa Kale Oo  Qofka  Aroornimad Ka Ambabaxa Caasimada Deegaanka Ee Jigjiga Isaga Oo Aan  Sii Marin  Tuula Kale Oo Ka Tirsan Deegaanada Kale Ee Dalka Uu Si Toos Ah  Ugu Dheelmanayo Xarunta Gobolka Daawo Ee  Le’yi. Waxaase Intaa Dheer In Buundadan Iskuxidhaysa Gobolada Daawa, Liibaan , Afdheer  Iyo Deegaanka Intiisa Kale Oo Ay Dhismihiisa Hirgalisay Wakaalada Dhismaha Iibka Iyo Adeega Gaarka Ah Ee DDSI  Ay Tahay Mid Hirgalinteedu Ku Baxday Miskax, Maal Iyo Muruqba Islamarkaana Buundadan La Saaray Wabiga Daawo Ay Tahay Buundadii Ku Meelgaadhka Ahayd Ee Waangay Oo Kadib Markii La Dhamaystiray Buunadadii Rasmiga Ahayd Ee Waangey Laga Soo Qaaday Waangey Islamarkaana Intii Taayiro Iyo Ekselo Si Cilmayaysan Loogu Sameeyay Oo Lamid Ah Sidii Markii Horeba Looga Qaaday Dhagaxle Ee Loo Geeyay Waangey Oo Kale Loo Geeyay Wabiga Daawa Islamarkaana Hirgalinteeda Lagu Guulaystay Maanta.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso