Tacsi Madaxweyne Geerida Marxuum Aadan Siciid Maxamed (Aadan Dooc)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Aadan Siciid Maxamed (Aadan Dooc) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 11/11/2018, Gobolka Togdheer Magaalo madaxdiisa Burco.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay shacbiga iyo qaranka Somaliland, door muhiimana ku lahaa halgankii, nabadayntii, dib u heshiisiintii iyo dib u dhiskii dalka. Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Advertisement

Ku Xayeysiiso