Macallinkaygii Siyaasadda! Qalinkii: sadam osman kaabash.

 

Waxaan ahay halgamaa, mujaahid, colaad la dirir ka soo shaqeeyey dawlad Arladan waayo ka talin jirtay. Waxaan aqaannaa  xeelado badan oo askarinimo. Waxaan ahaa Sarkaal hoggaamiya guutooyin tababaran. Af-xumada  iyo hadal taagnimadu waa astaantayda, waana sumcad xumo gaamurtay oo ay ii hayaan dadka qaar.

 

Waxaan ahaa sugaha dhaxalka dhiigya cabkii iga horreeyey. Waxa aan heshiis  goob, markhaati iyo wakhti toona la hayn la galay qoom xil raadis ah. Waxaan ismood siiyey inaan ahay taliya  isaga ku xiga xaq iyo xaqdarro, colaad iyo nabad, wanaag iyo xumaan—iyo xoogba haddaan ku heli karo. Haa waa hubaal, waana shaki la’aan inaanay maanta oo ah jaanis aanay i dhaafayn..

 

Waxaan ku xigeen ka ahay xisbi Arladan hagaasiyey. Naf iyo maal na cidhibtiray.  Waxaan xilka ku helay xaq darro iyo iiga hiilin. Waxaan geed dheer iyo mid gaaban u fuulay madax noqosho, laakiin ma ihi qof ku suntan inuu cid hoggamiyo. Fadqalallada  iyo rabshadu waa astaantayda waana waxaan ku faano.

 

Waxaan leeyahay hadallo colaadeed oo soo jireeena, hase ahaatee,  dadka qaar way igu tahniyadeeyaan oo ii hambalyeeyaan, halka inta liddigeeduna ka xumaadaan oo  ka cadhaysanyihiin xusuusihii dhigaalka layga dhigay sannado ka hor.

 

Muuqaalkayga qofeed soo jiidasho iyo macaansi ayuu ku abuurayaa duulka aan la hadlaayo, neecaw iyo naruuro ayuu u gudbinayaa inta  asaagayga ah ee xoog iyo maal ila garabtaagan. Taageero iyo hiil  hagar la’aana ayaan kasbadaa wakhtiyo kooban, laakiinse fulinteeda iyo ka go’naanshaheedu maaha dhaqankayga, maaha hadafkayga, maaha qorshahayga; se waa xidhidda dabinno lagu hoobto, haadaan iyo  boholo lagu shalwado oo ku sababa duulka iga dambeeyaa in ay hiif iyo calool xumaan ii qaadaan. Waxaan u soo joogay laayaan, xariif hoggaamiye ah, dhaqanyaqaan abla ablaynta reeraha iyo isnacsiinta deegaamada  heerka gaadhay. Waa macalinkaygii! Waa barhaygii!.

 

Qalinkii: Sadam Osman Kaabash.

Hargeisa, Somaliland.

Degmada Maxamed Mooge.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso