Turkiga iyo Jarmalka Oo Ka Wada Hadlaya Hagaajinta Xidhiidhka labadaasi Dal

Hargeysa(Toggaherer)-Turkiga iyo Jarmalka Oo Ka Wada Hadlaya Hagaajinta Xidhiidhka labadaasi Dal.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Jarmalka ayaa ku martigalinaya dhigiisa dalka Turkiga saacadaha soo socda wadahadalo uu la yeesho oo lagu doonayo in lagu hagaajiyo xiriirka sii xumaanayay ee u dhaxeeyya labada dal.

Wasiirka arrimaha Mevlut Cavusoglu

Wasiirka arrimaha dibedda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu, ayaa u sheegay Jimcihii wargeys kasoo baxa Jarmalka in dowladda Ankara ay dooneyso inay wada shaqeyn cusub la bilowdo Isbaheysiga NATO.

Wasaarada arrimaha dibedda ee Jarmalka ayaa sheegtay in ay doonayso inay dib usoo celiso xiriirkii kala dhaxeeyay Turkiga lana dhameeyo xiisada dhexmartay labada dal, balse waxa ay intaasi ku dartay in wadahadalada maanta looga hadli doono arrintaan iyo arrimo kale oo xasaasi ah.

Xiisadda u dhaxeysay labada dal ee Turkiga iyo Jarmalka ayaa sii xumaatay kaddib dhacdooyin dhowr ah oo sanadihii dhawaan dhexmaray labada dal sida dhowr qof oo Jarmal ah oo lagu xiray Turkiga, taasi oo xukuumada Berlin ay ku tilmaantay ay tahay “arrimo siyaasadeysan”.

Kulanka wasiiradda arrimaha dibedda ee labada dal Turkiga iyo Jarmalka ayaa ka dhacaya magaalad auu degan yahay wsiirka arrimaha dibedda ee Jarmalka Goslar, eek u taala bartamaha dalkaasi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso