Rwanda iyo Uganda oo beeniyey in ay kala heshiiyaan Israel in dib loogu oo Tarxiilo Qaxoontiga Afrikaanka ah!!!


Rwanda iyo Uganda ayaa beeniyay in heshiis ay ku qaabilayaan qaxootiga Afrikaanka ah ee Israil ay qorsheeyeen taas oo ay dhaleecaynayaan kooxaha xuquuqda aadanaha.

Israel ayaa ku dhawaaqday Arbacadii in ay lacag siin doonto kumanaan qof oo tahriibayaal Afrikaan ah oo si sharci darro ah ku jooga dalkaasi si ay uga baxaan, uguna hanjabay iyaga xabsi haddii ay ugu dhamaato bisha March.

Dawlada Isra’iil ma aysan sheegin meesha ay tahey inay tagaan muhaajiriintu, laakiin kooxaha xuquuqda oo ay ku jiraan kooxda Khadka Qaxootiga iyo Muhaajiriinta, ayaa yidhi: “Ugandha iyo Rwanda waxay ku heshiiyeen in ay soo qaataan muhaajiriinta Israel ku sugan.”

“Rwanda wax heshiis ah kama aysan gelin Israel si ay u martigeliso muhaajiriinta Afrika,” ayuu yidhi Wasiirka Arimaha Dibada ee Rwanda Olivier Nduhungheerei bartiisa Twitter-ka.

Dhiniciisa Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda Okelo Oreem ayaa beeniyay heshiiska, waxaana uu yidhi: “Ma jiro heshiis qoraal ah ama nooc kasta oo heshiis ah oo u dhaxeeya dawladda Uganda iyo xukuumadda Israel si ay u aqbalaan qaxootiga Israa’iil”.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso