Sidee looga bixi karaa dhibatada sicir bararka Somaliland ragaadiyey(W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi)

Sicir bararka Somaliland oo noqday mid ka mida afooyinka hadheyey bulashada Somaliland taas oo ay keentay in ay kordhaan dhamaan shaydii nolosha mihiimka u ahaa oo ay ku jirto noocyada asaasiga ah ee     bulshadu  quudato isla mar ahaantan aya awoodii wayeen in wax  iibsadan  bulshada somaliland qaybaheeda shilling wax ku iibsataa  awoodn ay u waayeen in ay wax ku filan noloshooda iibsadaan( purchasing power), Dawladihii ukala dambeyey Somaliland mid waliba si ayay uga hawl gashay inay la dagaalanto dhibaatadan dhib mooyee aan lahayn dheef taas oo qolo waliba siday xalka u aragto ay ula tacaali jirty hakinta iyo joojinta dhibaatada sicir bararka.

Waxaa ugu dambaysay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo soo saraay gudi ka kooban xubnaha wasiiradda iyo gudoomiyaha banka ee arintani tooska ula xidhiidho masuuliyada ay qaranka u ahayaan taas oo looga fadhiyo xal waara oo loo hello dhibatadan umada dhibka balaadhan ku haysa

Muxuu yahay Xalka sixirbbarka Bulshadeena ragadiyey side se looga bixi karaa bal aan soo qaato dhawr qodob oo aan u arko xalka.

  • In kor loo qaado dhoofinta dhamaan wixii an dabada u dhoofino oo ay ugu horeeyaan xoolaha nool taas oo aan ka heli donno lacag adag oo Dollar oo aan ku daboolo baahida dollarka ee isku dheeli tiranka lacagaha, daboshana bahida ganacsatadeenu u qabaan
  • In la joojiyo kharashaadka Dawladda ee ku baxaya Shillinka Somaliland muddada lala dagaalamayo sicir-bararka iyo qiima dhaca Shillinka Somaliland, marka laga reebo Mushaaharka Shaqaalaha, Ciidammada,
  • In shirkadaha waaweyn ee leh bangiyada gaarka ah (Private Banks) sida Dahabshiil Group iyo Telesom Group, ay si rasmi ah u joojiyaan isku beddelka lacagaha qalaad (Foreign Money Exchange), sidoo kale ganacsatada waaweyn ee wax dhoofisa waxna soo dejisa , aanay iyaguna si toos ah iyo si dadban toona uga ganacsan karin isku beddelka lacagaha taa badalkeedana Bangiga dhexe la wareeega hawsha isku badalka lacagaha qalaad iyo ta dalka awoodisana ku shaqeeya.

 

  • Si kor loogu qaado isticmaalka Shillinka Somaliland, waa in Shirkadaha Telesom iyo Dahabshiil adeegyadooda Zaad yo E-Dahab ay ka dhigaan ku shubashada iyo ku kaydsiga lacageed mid ka badan ta manta lagana hour mariyaa adeegsiga dollarka oo Shillinka Somaliland.

 

  • Maadaama lacagta sharciga ah ee Dalkani leeyahay (Legal Tender)ay tahay Shillinka Somaliland, sida uu dhigayo Xeerka 32aad ee Baanka Dhexe ee JSL, waa in ganacsatada bixisa adeegyada kala duwan (Service Providers) iyo kuwa ka ganacsada alaabta (Purchasing Goods) ay ku saleeyaan iibkooda Shillinka Somaliland, gaar ahaan bixinta kharashyada loo isiticmaalo bishii, sida ajuurada waxbarashada (School Fees), bixinta nalka, biyaha, kirada guryaha, ku shubashada telefoonnada gacanta.
  • In bangiyada gaarka loo leeyahay (Private Banks)ay macaamiishooda u furaan Xisaab Shillinka Somaliland, maadaama ay tahay lacagta sharciga ah ee dalku leeyahay .
  • In la hubiyo nidaamka iyo qaabka ay wax u sarrfitaan Wakiillada iyo ganacsatada ka xoogsada Jaadka iyagoo ku iibiya kuna doono qimaha dollarka mid aad u sareeya.
  • Ugu dambayntii waa in Madaxweyne aad samaysa Gudi dhaqaaleyahano ah oo iyaguna la taliya gudigaa aad magacwday oo kala hawlgala hadba marxaladaha iyo talaaboyinka ay qaadayaan gudigaa ka kooban golaha wasiirada

WQ: Mukhtaar Cabdi Cilmi ( Xoogsade)

(MBA) Accounting and Finance, Mount Kenya University

00252634241542

Mukhtarian.net@gmail.com

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso