Madaxweyne Muuse Biixi Oo Tacsi u Diray Eheladii iyo Qaraabadii Uu ka Geeriyooday Muj Haybe Ismaaciil Nuux (Haybe Jeeni)

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum  Mujaahid     Haybe Ismaaciil Nuux (Haybe Jeeni) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 05/11/2018, magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Mujaahid ka baxay shacbiga iyo qaranka Somaliland, door muhiimana ku lahaa  halgankii, nabadayntii, dib u heshiisiintii iyo dib u dhiskii dalka. Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

Aamiin Aamiin Aamiin.

Advertisement

Ku Xayeysiiso