Kuuriyada Koonfureed Oo Aqbashay wado Hadallada Olambigga

Hargeysa(Toggaherer)-Kuuriyada Koonfureed Oo Aqbashay wado Hadallada Olambigga.

Dawladda Kuuriyada Waqooyi ayaa aqbashay in ay ka qaybqaadato wadahadallo heer sare ah oo toddobaadka soo socda dhici doona, sida ay sheegeen saraakiisha Kuuriyada Koonfureed.

Kulanka 9 Janaayo ayaa diiradda saari doona sidii loo heli lahaa jid ay ciyaaaryahannada Kuuriyada Koonfureed uga qaybqaadan lahaayeen ciyaaraha Olambigga ee xiliga qaboobaha oo bisha Feebaraayo ka dhici doona Kuuriyada Koonfureed.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa sheegay toddobaadkan in ka qaybqaadashada ciyaarahaas ay “noqon doonto fursad wanaagsan oo lagu muujiyo midnimada” dadka Kuuriya.

Kulanka ayaa la filayaa in uu ka dhaco Panmunjom oo xadka ku taalla.

Tuuladan loogu yeero nabadda ayaa ku taalla xadka milatariga ka caagan ee aadka loo ilaaliyo, halkaas oo taariikhiyan labada dhinac ay wadahadallo ku yeelan jireen.

Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan xafiiska madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed kulankani wuxuu ahmiyadda siin doonaa ciyaaraha xiliga qaboobaha.

Si kastaba ha ahaatee wuxuu wakaaladda wararka ee Kuuriyada Koonfureed ee Yonhap u sheegay in uu rumaysan yahay “in ay jiri doonto wadahadallo la xiriira sidii loo hagaajin lahaa calaaqaadka Koonfurta iyo Waqooyiga, ka dib marka ay Kuuriyada Waqooyi ka qaybqaadato Olambigga.

Advertisement

Ku Xayeysiiso