Garyaqaanada Trump Oo Doonaya In La Joojiyaan Buug Laga Qoray Madaxweynaha Dalkaasi.

Hargeysa(Toggaherernews)-Garyaqaanada Trump 0o Doonaya In La Joojiyaan Buug Laga Qoray Madaxweynaha Dalkaasi.

Garyaqaanada madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ah buug laga qoray madaxweynaha oo aanan wali soo bixin, balse macluumaadkiisa loosoo dusiyay warbaahinta Maraykanka.

Trump iyo Xaaskiisa

Buugga ayaa waxaa qoray wariyaha lagu magacaabo Michael Wolff, waxayna garyaqaanada doonayaan in gabi ahaanba la joojiyo in buugga la daaboco, islamarkaasna lasoo saaro.

Waxa ay sheegeen in buugga ay ku jirto af lagaado iyo meel ka dhacyo ka dhan ah madaxweyne Trump.

Waxa buugga lagu soo xiganayaa ninkii Trump u qaabilsanaa dajinta qorsheyaasha istaraatiijiga ah Steve Banon iyo illaa 200 qof kale.

Waxyaabaha buugga ku jira waxaa ka mid ah in Banon uu wiilka madaxweynaha ku sheegay in uu galay qiyaano qaran kadib kulankii uu la yeeshay mas’uuliyiin ka socota dalka Ruushka.

Waxa kale oo buugga ku jira in Trump uu aad ula yaabay guushii uu ka gaaray doorashada, kadibna uu ka xanaaqay xafladdii caleemo saarkiisa.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso