Wasiirka Gaashaandhiga Ee Somaliland Mudane Xawaar &Sultankiisa Saciid Abdisalam Muxuu Yahay Mawqifkooda Soomalilandnimo?

Asalaama calaykum Bulshada Somaliland iyo Bahda Mareegaha Dalka.

Maalmo yar ka hor qaybtintii Sanaaduuqda Codaynta ee Doorashadii Madaxtooyada ee ka qobsoontay 13.11.2017Dalka,waxaa warbaahinta la hadlay Sultan Sead Abdisalaam,Sultanka guud ee beelaha Warsangeli.
Waxaa uu Sultan Sead cod dheeer ugu gudbiyey Bulshada uu Sultanka u yahay in aan marnaba la aqbali Karin in Sanaaduuqda Codaynta la keeno degaanada beeshisa,lagana hortago. Waayo ayuu yidhi Sultaanku,”marka hore dhulka guud ahaan ilaahay ayaa leh.Mar labaadka dhulkan deegaankayaga waxaa aanu ku dhaqnayn muddo ku siman todoba boqol oo sanadood 700. Waxaanu nahay bulsho taarikh waayn leh oo soomaaliyeed. Calankayagu waa kan soomalia ee Bluekiga ah.” Wuxu raaciyey Sultanku, Somaliland waa magac Engriis bixiyey keliya. Taasi awgeed mid na khuseeya ma ah,doorashaduna nama khusayso.” Sultan Sead mawqifka uu Somaliland gooni-isutaageeda lidka ku ah hab geesinimo leh ayuu u soo bandhigay. Waxaana marag madoon u ah dhawaaqiisa aan innaba gabashada lahayn. Sultan Saed waxaa uu ka soo jeeda Saladanadaha ugu facawaayn S/land,qaderina waa uu iga mudan yahay,balse taasi iga baajin waayday in aan aragtidayda ka tilmamo mawqifkiisa cad ee soomaliland diidka. Qofkuna waa u xor aragtidiisa S/land iyo Somaliwayn tuu ahaanaayo, balse waxaa adag muuqaalka ah midba lug ayaan kula jarayaa.

Isla maalmo yar ka dib,waxaa kulan-Beeleed u qabsoomay Qurbe jooga Wasrangeli ka hadlay Mudane Ciise Xawaar oo Sultan Sead Abdisalam Adeer dhow u yahay.
. Mudane Xawaar,waxaa uu isnna cod dheer ku goodiyey
in laga hortago,deeganadana laga joojiyo Saanaaduuqda Codbixinta Doorashada Somaliland ka qabsoomi doonto oo ay tahay arrin aan khusaynin Beeshood. Waxaana ereyaddii Ciise Xawaar adeegsaday ka mid ahaa:”Cadawgeena kowaad waa Somaliland. Waa in aynu xabad kaga hortagno Sanaaduuqda la soo wado ee coddynta. Waa in aynu dhiig iyo dhimasho u hurnno sidii sanaaqduuqdaasi deegaankeena looga baajin lahaa.
Waa in xatta aynu ogolaano ilaa tobaneeye dhalinyaradeena ah oo u dhinta iska caabinta Somaliland iyo doorashadeed. Waa gumaysi oo waa ay ina dhaan-rogayaan.”
Waxaa uu raaciyey Mudane Xawaar, Somaliland xabada ayay ka baqaan,waayo, nabada ayay ilaashadaan. Taasi awgeed,80 Wiil oo hubaysan ayaa ku fulan fashilintooda iyo dhaqaale aan badnayn ee xabadda ha lagu rido iwm.”
“. Waa ereyadii Mudane Ciise Xawaar u adeegsaday goobaabo aad u iftiiminaysa cadawad iyo nacayb badan oo uu u qabo Gooni-isu-taaga Somaliland Mudane Ciise.

Xiligaasi oo mudane Xawaar ku sugnaa dalka dibediisa,ayaanu waxba la hadhin,isla mawqifkiisa soomaliland diidka ahna si fiican u soo bandhigay ayuu Xawaar ka soo degay Hargeisa Airport, si fiicana loogu soo dhoweeyey asaga oo farxad iyo ray-rayn badani ka muuqato. Hadaba waxaa xusid mudane in Madaxwayne Muse Biixi u magacaabay Ciise Xawaar Wasiirka Gaashaan-dhiga ee Jamahuuriyada Somaliland asaga oo Dalka dibadiisa joogaa maalmahaasi. Sido kale waxaa xiise iyo xusid mudane in Sultan Sead Abdisalamna ahaa shaqsiga ka odayeeyey ama ka dambeeyey in Mudane Xawaar loo magacaabo Wasiirka Gaashaan-dhiga Jamhuuriyada Somaliland.
Hadaba,Bushowaynta S/land waxaan waydiin lahaa su’aal ah sidee ayuu Mudane Ciise Xawaar oo mawqifkiisa cad ee Somaliwayn muujiyey, isla cadawad iyo naycyb gundheeer u qaba Qaranimada somaliland ku mutaystay in loo magacaabo Wasiirka mid ah Xukumadda S/land, weliba Wasiirada ugu tunka waayn.? iyo sidee ayay isu qabanayaan labadan ficil ee aad u kala fogi.? Maxaa qaldan |Bulshooy.?
Sidoo kale Sultan Sead in uu gooni-isu-taaga S/land ka soo horjeedo iyo in uu Wiilka uu Adeerka u yahay ee Xawaar ku darsado isla Xukumadda S/land sidee ayay ugu suurtashay talaabadani? Maxaa qaldan. ma dhinaca Gaashandhiga ayaa laga mideeyey S/land iyo Somalia oo xaalku waa Fidaral qarsoon.? Aragtidayda waxaan soo jeedin lahaa,ha laga qanciyo Bulshada S/land hadafka Xukumada cusubi ka leedahay Wasiirnimada Mudane Ciise Xawaar iyo Sultan Sead oo mawqif adag oo diidmo ah ka taagan gooni-isu taaga S/land sababta uu ugu darsaday Xukumada S/land Wiilkan uu Adeerka u yahay ee loo magacaabay Wasiirka ugu tunka waayn ee Wasaaradda Gaashandhiga S/land. ?

Isla Golayaasha Xidhibaanada Qaranka waxaa bulshadu il dheer ku eegaysaa waxaa ay ka yeelaan Ansaxinta Wasiirka Gaashan-dhiga loo magacaabay ee Mudane Xawaar oo si ba’an uga soo horjeeda gooni-isutaaga Qaranimada S/land. Sidoo kale Wasiiro aan buxinin Shuruudaha Wasiirnimo ee Xeerka dalku tilmaamaayo qudhooda waa la dhawrayaa waxaa ay ka yeelaan.
Waxaan u rejaynayaa Xildhibaanadu in ay meesha ka saaraan haataan dhaqankoodii ahaa Duuduub ku ansixinta ,isla dhawraan xilka dalkan iyo ummaddisa ka saaraan.Xukumada Cusubna waxaan xasuusin lahaa, marnaba Hal Booli ah,Nirirg xalaal ah ma dhasho hore ayaa loo yidhi. Waana ogtihiin xaalada aydun ku fuusheen Kursiga oo ahyad abid tii ugu musuqa iyo boobka badnayd doorashooyinkii dalka S/land ka qabsoomay. Yeelkeeda ‘e ee Ummadu waa ay idin garabtaagan tahay. Waxaa la idinka rejaynayaa dadaal iyo feejignaan badan. Waxaanan shaqsi ahaan idinku hambalyeynayaa in Wasiiraddii Xukumaddii hore ee lama taabtaanka ahaa Kuraastii ka kiciseen iyada oo aan dhiig ku daadanin. Kuwaas oo rumaysnaa boqortooyo abid ah in ay ku sii joogi doonaan hogaaminta dalka balse Xukumada cusub ee Muse ku beenisay riyadoodii.

Fiiro gaar ah: Cid kasta oo aan ka warqabin mawqifka Sultanka iyo Ciise,fadlakum ha ka raadiyaan Youtubeyada cadaymahooda oo dhamaystirin.
Salama calaykum.
H.Mohamed Adam
Canada, Toronto.

Advertisement

Ku Xayeysiiso