Gudaha Ka Eeg :Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Socdaalka Wasiirka Qorshaynta Somalia Ee Badhan .

Waxaaa Magaalada Badhan Ee Gobolka Sanaag safar ku yimid Wasiirka Qorshaynta Somalia Jamaal Maxamed Xasan .

Hadaba Waxaa Socdaalka Wasiirkaasi si adag uga hadashay Xukuumadda Somaliland, iyadoo si adag uga biyo-diiday Socdaalkaasi .

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Mudane Sacad Cali Shire oo ka hadlay Socdaalkan Wasiirka Somalia Ee uu ku yimid Gudaha Somaliland ayaa waxaa uu yidhi .

” Arrinka aad iyo aad ayaanu uga biyo-diidsanahay, Somaliland iyo Somalia waxaa u dhaxeeyaa xad-caalami ah oo la yaqaano, in xad-ka laga soo gudbo, xad-gudub ayay ku tahay Somalia, arrinkaasina waxaa uu khal-khal-galinayaa cilaaqaad-kii Somaliland iyo Somalia, Waxaanu ku dambayn-doonaa iska hor imaad, taas oo aan dan u ahayn dadka Deegaanka iyo Gobolka Toona “ Ayuu Yidhi Wasiir-ka Arrimaha Dibadda Somaliland Mudane Sacad Cali Shire .

Waa Markii kowaad ee Wasiir Somalia ahi uu Socdaal ku yimaado Deegaan ku yaalla Gudaha Somalia, ka dib bur-bukii Dawladii Somalia .

Xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland Ee WADDANI ayaa isna Socdaalkaasi aad u cambaareeyay, eedeedana Xukuumadda Cusub dusha u saaray  .

Advertisement

Ku Xayeysiiso