Caqliyo Aan Korin (Sociol issues)

Caqliyo Aan Korin (Sociol issues)

Xaaladan waaqiciga ah bulshada dhexdeeda waxay sii xoogaysanaya khilaafaadka asxaabta ,qaraabada,dhexdooda waxay cabasho badani ka jirtaa is dhexgalkii iyo xidhiidhkii bini aadanimo waxaa batay isku dhaca yar iyo wayn,jaahil,aqoonyahan,faqiir,taajir,tanina waxay carqalad wayn ku tahay noloshii caadiga ahayd.

Xanuunbaa isgaadhay dadkuna way isku dul noolyihiin dhibaatoyin iyo burbur soo taagnaa ayaa qab ku riday bulshada aaminaada,daacadnimo,jacayl,kalgacal wuu burburay,ishii wanaaga iyo nolosha saxda ah lama haysto marxaladani bulshadii waxay ku riday firdhad iyo argagax shaki galiyay wada dhalashadii iyo kalgacalkii qaraabo iyo asxaabnimo nolosha jiritaankeedana hoosbay uriday waxaa abuurmay cabasho iyo caqliyo aan korayn waa naxli danseeg ah damiirkaagu se  raali ka ahayn oo hadana kugu socda.

Garashadii waa la colaadiyay, luuqbaa loo sameeyay meelbaana la iskaga xidhxidhay, gartii si siloonbaa loogu labisay,la isma qabto oo buuqaa la masaariifsadaa camalka iyo weedhu waa kala maan,waxaan xasuustay maansadi Abwaan qaasim uu lahaa” malaa’iigta naartiyo jannadu waygu murantaaye” dhinackasta ka warkeenbaa ku jirta cidna heshiis maaha isaga iyo naftiisaabaa shaki ku kala dhexjiraa.

Qaflada iyo cisbitaalada waalida kooxiba koox eryanayso aragtidii la kufsaday maankii laangadhaynayo dadku wada dhoohanyihiin iyo aduunkan tagay ee maraya in ay baddihii Laga dhigo dhul loo dalxiiso siday isula jaanqaadi?Bal adba! Bal waxyar u dhabagal dabeecadahani waan hubaa inteena badan shaadh leegbay u galin doontaa

Ma xassile:- waa xariif bulshada ka mid ah waa xaalad socota naxdinbuu ku noolyahay guusha hebel ma maqli karo wuxuu baahiyaa hebel yaab buu galay tallow update-halkeebuu ka helaa ayaad is odhanaysaa camal xunbuu hayaa waa daydaygii la sheegi jiray laakiin jabkiisuba waa hebel shaqo/qoys/fursad ayuu helay yabaal buu ka qaadaa, wuxuu leeyahay macaamil yaab ka jecel oo falanqaysa yaabku siduu ku dhacay waa camalkii gaalada waxaanay u yaqaanaan “Gossip show” kuna soo bandhigaan jariiradaha ama telifiishanada,xariifkani wuxuu iskaga gudbaa daan ilaa daan dadkuna warka xunbay mudooyinkan danbe jecelyihiin kuna raaxaystaan suuqiisaa xaamiya,jariiradaha soo baxa isagaa loogu akhris badan yahay Wasiir hebel oo wasiir hebel isku dhaceen,waa dabci xun oo danbi badan tudhaale malaha wuxuu doonayaan jirinba alle ha sahlo.

Laba codleeye:- waa xariifkale oo ka mid ah bulshada goobkastana waa xaadir waa shar iyo shaydaan socda luuqadkasta wuu akhriyaa isagaa cidkasta ka hadliya wuxuu abuuraa kooxo kala jaad ah oo isku muuqda,waa danbi socda waxay dadkeenu ugu wanqaleen magac aan uqalmin REER MAGAAL balse waa lagula kufay wuxuu darsaa dadka wuxuuna kula socdaa luuqatul cuyuun, baaskasta wuu la socdaa,xariifkani dhib waynbuu bulshada ku hayaa cid ba heshiisa ma maqli karo dabeecadani waa firdhad ka mid ah argagax bulshada ka dhex qarxay,shaadhkaasna mid dheh hadii ku leegyahay qaado nifaaqbaa ku hadheeyay alle haku sahlo!

Macangag:  waa xariif kale oo ka  mid ah bulshada lagama waayo goobaha shaqada,baraha lagu kulmo iyo qoysaska ama asxaabta dhexdoodaba waa nin meel ku dhagan aqoon iyo garasho kuma eego arinwalba meel guracan ayuu ka fahmaa hadii la isu soo dhawaadana daanta kale ayuu ula kacaa,inyarbuu hayaa (lacag/hanta) intaasaa ka hadlinaysa oo noloshaa u cusub, ujeedo fog malaha,Waxaa laga yaabaa waraaq/shahaado ayuu barkanyahay wuxuu ka fahmay adiga ayaa saxan oo shahaadad sarre watta bal adba! wuxuunba la hadla oo yidhaahda hebel halkaa ha uga dabcin, ilaa uu la god galayo ama meeshaa loo goynayo waa sidaa,wuxuu col ka dhigtaa cidkasta oo ku raaci weyda wuxuu rabo, guuxiisaa bata hebelo is haya ayuu ku subciyaa,koox maati iska ah ayuu lafta u tuuraa si foodhida ugu dhuftaan lana adkeeyaan subciskaa,inuu fayowyahay ayuu isu haystaa balse dhakhtarkii waalida ayuu qolkii madoobaa isku kala bixiyay,hadii shaadhkaagu kan leegyahay waxweynbaa kaa siya jaahilnimo ayaa dugsatay garaadkaaguna waa caydh si khusuusi ah isula faq seerada iyo xeerka inta fayow qabata haka talaabin.

Cunaaye:-  waa xariifkale oo bulshada ka mid ah suuradiisu way yara qurxoon tahay,dusha sare dadbuu u eegyahay,dadka inta ugu wanaagsanbuu isu eekaysiiyaa,balse hoostiisa xumaantu berkaddo ayay ka samaysatay waa hantiile,ganacsade,dadcune,wuxuu adeegsadaa dhiiga dadka wuu ku xamaashaa,gumaysigu waa camalkiisa,hadana intaa wanaagbuu ku baaqaa,aduunyada warwarbuu kaga dhintaa,aakhirana hadalkeedaba daa! Cunaaye cidba ma aaminsana ubadkiisana dhahoo ileen xaqii dadkaa ku maqane,xanuunada sida roobka ayay ugu dhacaan waa cadibanyahan dadkuse inuu raaxo kaga noolyahay ayay uhaystaan shaadhkaasi wax maka fahantay adigaa isku cabiri alle ha sahlo.

Khayr yare & Shar yare:-  xariifkani waa sahlan yahay hadana waa dhiban yahay runta wuu helaa waase la gabadaa wuxuu ka ordaa dhib wuxuuna seegaa xaqa khayr yare shar yare wuxuu dabaqaa yaanay adi dhibtu kusoo gaadhin,isagoo ogg xarafka khaldan ayuu hadana ka dhuuntaa sheegmadiisa tallow shaadhkaa yaa xidhan kara bulshadeena anigu inta aamusan baa sheegkani ku cabiri lahaa! Balse idinkaan idiin daayay

Astaamaha keeni kara caqliyo aan korayn

  • Jahliga badawnimada oo u baahnayd tababar iyo bisayl lagu qaabilo ama lagu xamilo waayaha cusub.
  • Dacaayada lafo cunka ah naxlibay beertaa waa nifaaq dadkana nacayb isu galiya.
  • Tamarta oo meel khaldan lala doonto waqtiga oo dhayalsi galay awgeed baa isu kaa rogaya ilaa la is caydhsado waa la isbeegsadaa dantaadana waa lagu waayaa.
  • Dareenkii wanaagsanaa cidhiidhi baa la galiyay jacaylkiina wuu dhaawacmay Dadnimada hogeedana dibadaynu ka hurudnaa,waa la isdaba socdaa dhaqdhaqaaqa ayaa lala shaqeeyaa waxaa beerma xanuun qof waliba kaligii saxan yahay cid u garnaqaysana hadalkeedaba daa.
  • W/qoray: Ahmedyasin sh Cumar Ahmed Furre

 

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso