​Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Kormeer ku sameeyey Xarumaha Kala Duwan ee Ciidanka Boliska JSL

Hargaysa(ToggaHerer)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL Mudane Maxamed Kaahin Axmed Ayaa Saaka Kormeer Ku Kala Bixiyey Talisyada Ciidamada Boliska Ee Qaranka Somaliland Si Loo Dardar Galiyo Hawlaha Amaanka Xogogaal Uu Ugu Noqdo Baahiyaha Ciidanka.

Wasiirka Oo Kormeerkiisan Uu Ku Wehelinaayey Taliyaha Ciidamada Boliska Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan Ayaa Kormeer Xogogal U Noqosho Ah Ku Maray Xarunta Taliska Ciidanka Birmadka, Turba-Taariyada , Iyo Taliska Guud Ee Dhawaan Ciidanka Loo Dhisay Halkaasi Oo Shir Uu Kula Qaatay Saraakiisha Ciidamada Boliska.

Wasiirka Iyo Taliyaha Ayaa Kormeerkooda Ka Bilaabay Xarunta Ex- Turba Taariyada Ee CID-Da Halkaasi Oo Wasiirku Uu Xog Waran Kaga Dhagaystay Masuuliyiinta Iyo Ciidan CPU Ee Xaruntaasi Ka Hawl Gala, Iyaga Oo Ka Xog Waramay Siyaabaha Kala Duwan Ee Ay Qaranka Ugu Shaqeeyaan.

Dhinaca Kale Taliyaha Ciidanka Iyo Wasiirka Oo Wada Socda Waxa Ay U Sii Dhaafeen Xarunta Taliska Ciidanka Birmadka Halkaasi Oo Ay Salaan Kaga Qaateen Cutubyo Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Waxaana Ugu Horeyn Halkaasi Ka Hadlay Taliyaha Ciidamada Boliska S/Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan Waxaana Hadaladiisa Kamid Ahaa :-

“ Wasiir Ciidanka Hortaada Taagan Waxa Uu Ka Kooban Yahay Ciidanka RRU Iyo Ciidan SPU Oo Loogu Talo Galay Ilaalinta Haayadaha Caalamiga Ah Iyo Madaxda Qaranka Iyo Nabadgalyada Guud Ee Qaranka Waxaa Kaloo Ku Dhexjira Ciidan U Tobobaran Ka Hortaga Rabshadaha Waana Ciidanka Qaranka Somaliland Ku Dhaato Ee La Arki Jiray Waana Ciidan Aad U Tabo Tabaran Markaa Sacaadatul Wasiir Kusoo Dhawoow.”

Hadalka Taliyaha Kadib Waxaa Ciidanka Halkaasi Kala Hadlay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Oo Hadalo Dhiiri Galin Iyo Dardaaran U Badan Halkaasi Ka Soo Jeediyey Waxaana Hadaladiisii Kamid Ahaa :-

“Taliyaha Ciidanka Boliska, Taliyaha Ciidanka SPU-Da Iyo RRU-Da , Saraakiisha, Saraakiil Xigeenka Iyo Dablayda Intaba Iyo Aad Ayaan Idiin Salaamayaa .

Ciidankan Inaan Soo Maro Oo Soo Kormeero Taliyahaanu Iska Aragnay Maadaama Aan Wasaarada Arrimaha Gudaha Ka Tirsan Tihiin Waana Ciidan Aan Ognahay Hawlaha Baaxada Leh Ee Ay Qarankan U Hayaan , Waxaan Idiin Sheegayaa Dawladnimada Nimaadkeeda Oo Dhami Waa Ilaalintiisa Nidaamka Waxaana Inoo Qaabilsan Ciidanka Boliska, Somaalidu Waxa Ay Ku Maahmaahdaa “Waxa Umusha U Dana Ayaa Hooyadana U Dan Ah” Haday Ummushu Gaajooto Ilmuhuna Wuu Gaajoonaysaa, Marka Imika Nidaam Jiro , Ayuu Qofkuna Qof Noqonayaa , Hadii Kale Lama Kala Sareeyo Lamana Kala Xoog Badna .

Xayawaanka Duurjoogta Ah Sharcigeedu Waxa Weeyey In Midwaliga Ka Uu Ka Xooga Wayn Yahay Cuno Markaa Waxaynu U Baaha Nahay Hawsheena Boliska Inaynu Kordhigo Dadka Nidaamkaynu Ku Hagaynaa Marna Danbigaynu Ka Qabanaynaa Marna Danbigaynu Ku Qabanaynaa”

Hawlahan Kor Meerka Ee Wasiirka Arrimaha Gudaha Ayaa Kuwo Bilow Isla Markaasina Lagu Dar-Dar Galinayo Laamaha Amaanka Iyo Amniga Qaranka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso