Xildhibaanad Jarmal Ah Oo loo Haysto Nacayb Islaamka ka Dhan Ah.

Hargeysa(Toggaherer)-Xildhibaanad Jarmal Ah Oo loo Haysto Nacayb Islaamka ka Dhan Ah.

Siyaasiyad Jarmal ah ayaa wajahaysa baaritaan ay ku hayaan booliiska, ka dib markii ay jeedisay hadal kicin ah intii lagu gudo jiray soo dhawaynta sannadka cusub.

Storch oo baarlamaanka dhex taagan

Beatrix von Storch oo ah gudoomiye ku xigeenka xisbiga AfD ee siyaasaddiisu midig-fog tahay ayaa Twitterkeeda ku soo qortay Isniintii hadal Islaam nacayb ah.

Booliisa Cologne ayay ku eedaysay in ay qancinayaan “rag axmuqiin ah oo Muslim ah oo kufsi qori caaraddii ah gaysanaya”, iyada oo arrintaas ku soo qortay barteeda Twitterka iyada oo luuqadda Carabiga adeegsanaysa.

Booliiska ayaa ka baaraan dagaya in dacwad lagu soo oogo iyada oo loo haysto nacayb iyo kicin.

Booliiska ayaa fariistaas ku soo qoray Twitterka isaga oo adeegsanaya luuqado dhawr ah oo ay ka mid yihiin Carabi, Ingiriis, Faransiis iyo Jarmal.

Isla fariintaas ayay haddana Facebook ku soo qortay, isla sidii oo kale ayaana ciwaankii looga xannibay iyada oo lagu sababeeyay kicin.

Booliiska Cologne ee dalka Jarmalka ayaa jariidadda Der Spiegel u sheegay in ay baarayaan in xildhibaannadu dambi gashay, laakiin wuxuu carabka ku adkeeyay in arrintaasna ay tahay hab caadi ah.

Arrintan muranka dhalisay ayaa imanaysa billo uun ka dib markii Jarmalku uu dhaqangaliyay sharci la tacaalaya hadallada nacaybka abuuraya. Dalka ayaa hadda hirgalin doona ganaax ay dul dhigaan baraha ay bulshadu ku xiriiraan ee bartooda ka saari waaya “waxyaabaha ay muuqato in ay sharcidarro tahay”.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso