Masuul Irani ah Oo Ku Yidhi Trump : Haddii aad na waydiisataan gargaarkayaga shacabkaaga Gaajaysan.. Waan ka jawaabi doonaa!

Danjiraha Iran u fadhiya London Hamid Baidi-Nejad ayaa dhaleeceeyay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump hadalkii uu ka yidhi Dibadbaxyada ka socda dhowaanahaan Iran.

“Halkii uu ka fekeri lahaa dadka reer Iran, Trump waa inuu ka fikiraa dadka reer Puerto Rico, kalabadh wali waxay haysta koronto la’aan, saddex bilood ka dib markii ay duufaan ku dhufteen gobolkoodii,” Baidi Nejad ayaa sidaa ku qoray bogiisa Twitter-ka.

“Trump mar uu dadka reer Iran sharraxayay wuxuu ku sheegay” argagixisada “haddana waxa uu mar kale ku xad gudbay isaga oo ku sharxaya inay yihiin” dad gaajeysan “oo u qalma naxariis, isaga oo ku andacoonaya beentiisa inuu la tacaadufaayo dibad baxyada Iran.

Safiirka Iran u fadhiya London ayaa ugu baaqay madaxweynaha Mareykanka in uu taageero waydiisto dadka reer Iran si ay u caawiyaan dadkiisa gaajaysan, isaga oo ku nuuxnuuxsaday in Tehran ay ka jawaabi doonto baahida jirta xitaa dhibaatooyinka.

Waxa uu intaa ku daray in ay jiraan 8-qof ee ku nool Mareykanka in midi gaajaysan yahay, guud ahaanna waxaa jira 42 milyan oo gaajaysan oo ku nool Mareykanka, oo ay ku jiraan 13 milyan oo carruur ah iyo in ka badan 5 milyan oo waayeel ah.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso