Wasiirka gaashaandhigga Iran: Cadawgu waxay samaynayaan intii karaankooda ah si ay xasilooni daro uga Dhigaan Iran!!


Wasiirka difaaca Iran Amir Hatami ayaa sheegay in darfyo shisheeye kuna tilmaamay inay yihiin cadaw ay doonayaan in Iran ay noqoto waddan aan ammaan ahayn.

“Cadawgu waxa uu si wayn ugu dadaalayaa sidii uu u dhaliili lahaa dareenka dadka reer Iran iyo inuu ku dhiirri-galiyo inay xasillooni daro galiyaan dalka,” ayuu ku yidhi hadal uu u jeediyey dad badan oo ka tirsan saraakiisha Wasaaradda Difaaca Isniintii.

Waxa uu ugu yeedhay wasiirka difaaca Iran baahida loo qabo midnimada iyo wadajirka qaran si looga hortago mu`aamarada ajnabiga ah iyo fitnada ay wadaan.

Qaar ka mid ah magaalooyinka Iran ayay mudaharaado ka socdaan maalintii afaraad ee is-xiga, iyadoo oo markii hore ay ka bilaabantay dalbashada horumarinta iyo hagaajinta xaaladaha nololeed, isla markaana waxay canbaareynayeen madaxweyne Xasan Rowhani iyo hoggaamiyaha sare, oo ay ku tilmaameen nidaamka kaligii taliyaha.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso