Sheekh Saciid ALNursi Qore khadar ibrahim

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaato.

maanta waxaan raba in aan soo bandhigo nin wadaad ahaa oo runti bani aadanka hamigiisu ahaa si u nolol wanaagsan u gaadhaan ,hankiisu wuxuu aha in u arko mujtamaca muslimiinta in horumar gaadhaan iyaga oo diintooda ku adkaysan,wuxuu aha nin raxmad badan oo fikirkaas daraadi dhibaatooyin fara badan loo gaystay isago nool iyo xita marku dhintay oo ka daba tagayn qabrigiisa cadowga.wuxuu ahaa daaci dariiqa saxda ah ee islaamka faafiya,hadh iyo habeen xuska ilaahay wada (quraan iyo dikir),waa sheekhii qarnigi 21 aad oo runti nogu leh in fikirkiisa faafino oo cadwga islaamka ka soo horjeysano.84 sanadood ayu dulmi iyo xabsi iyo daba gal lagu waday lkn ay hoos u dhigeyn hankiisi iyo jihaadkiisi ba, waa sheekh saciid alnuursi oo aha wadaad turki asalkiisuna kasoo jeedo qumiyada kurdiga ee ka dhashayn rag islaamka door weyn ka ciyaaray sida salaaxudiin alayuubi iyo boqorki al mudafar al arbiili.

al mula sheekh siciid nuurisi wuxuu dhashay sanadkii 1877 tuulada nuurs oo ku taal bariga turkiga, aabihiisna wuxuu aha wadaad suufi ah wuxuuna siciid iyo sadaxda wiil ee u dhalay kale ku daray malcamadooyinka laga barto quraanka iyo tasawufka islaamiga , runti na wuxu rabay in ay inamadiisu noqdaan rag ku dhisan diinta anfacana mujtamacooda.macalinkooda aya ku arkay calamadooyin cilmiyeesan wiilka yar ee siciid oo 3 jir jira wuxuna u diray walaalkiisa weyn ee cabdalla in u sii gaar ah u baro luqada carabiga gurigooda oo marku wiilku tago guriga ku mashqoolo culumta islaamka lkn caqligiisu wu ka weyna in lagu wado culumta bilawga ah ee caruurta yar yar la barayey waagaas ,sida darteed dowr sanadood ayuu si gaar ah u baranayey ila u uu wareegay iskool ka fog tuuladiisa oo ku taal doogo biyaziid sheekheduna ahaa maxamed jalaali.

sheekh siciid meeshu rabay ayuu helay iyo sheekha u ka rabo cilmiga ,runti na sheekh maxamed jalaali wuxuu ka bartay culuumti quraanka iyo fiqihiga iyo shuruuxdeeda ila la siiyay ijaazadii oo ka qaatay sh maxamed jalaali isagoo marka gaadhay 14 jir, sh siciid isago xita ku jira culuumta ayuu la socday waaqica islaamka iyo marxaladu marayo mo ahayn wiil yar oo caadi ah maskaxdiisu wuu fogayd , wuxuna aha runti mucjiso taariikhduna ay qori doonta mustaqbalka.

kadib marku helay ijaazadii ayuu tagay iskoolka mula fatxuulaahi afandi ku taal magaalada sicirt, sheekh fatxuulaahi wuxuu la yaabay inta kutub oo soo dhameeyay siciid iyo maskaxdiisa furan,kadibna wuxuu u bilaabay kitaabka jamc al jawaamic oo runtii sh siciid muddo kooban ku xifday kitaabkaas isbooc gudahiis ,dhawr sacaadood maalin walba ayu siiyey,macqoolna aan ahayen in muddo kooban lagu dhamayn karo 362 safxadood xifdi ah ,miyaad maanta kari karta 362 page in aad maskaxda ku qabatid isbooc gudahiis ?runti maya,wana ta u keentay sheekh fatxuulaahi yaab!,wuxuu yidhi (caadi maaha in laysku keeno fahan iyo aragti dheer waxaana taas ku arkay oo kaliya sheekh al hamadaani ka hor) kadibna isaga aya bixiyay sh. siciid naaniista badiicu al zamaan.

kadibna sheekh siciid wuxuu u dhuufay bagdaad ciraaq isago aan waxba wadan log ayuu ku baxay ,isago kaymo iyo buuro iyo xayawaan dhex maraya hadh iyo habeen waxayna taasu ku tusaysa yaqiinta sheekh siciid in u ilaahay yahay al xaafid oo ka ilaalin doona sharka. 3 bilood isago socda ayuu soo gaadhay magaalada tabliis ku taal kunfurta isago ku socda bagdaad ,wuxuuna sheekhu rabay in u siyaarto sh.cabdilqaadir aljilaani oo qabrigiisa ku yaal bagdaad ciraaq.isago ku sugan tabliis ayay dadkii soo dhaweeyen oo ay ka dhaqaystayn cilmiga lkn culamada iyo sharciga meesha u yaal oo saamixi maayo sh siciid in u duruus ka wado magaaladaas, buuq iyo xasad aya dilaacay dorba ba !.

Lasoco qaybta 2add……………….

Khadar ibrahim 

Advertisement

Ku Xayeysiiso