Ruushka Oo lagu Eedeeyay Inuu Maraakiib Shidaal ah Geeyay Kuuriyada Waqooyi

Hargeysa(Toggaherer)-Ruushka Oo lagu Eedeeyay Inuu Maraakiib Shidaal ah Geeyay Kuuriyada Waqooyi.

Labo ka mid ah illo wareedyada ugu waaweyn ee dhanka ammniga ee Yurub ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in booyaddo shidaal oo Ruushka laga leeyahay ay dhawaan shidaal geeyeen Kuuriyada Waqooyi.

Shidaalka ayaa la sheegay in Markab Ruush ah uu ku wareejiyay markab kale oo ay leedahay mid Kuuriyada Waqooyi.

Markabka Lighthouse Winmore ayaa laga buuxay shidaal si uu u geeyo Taiwan

Tallaabadan ayaa noqoneyno mid jabineysa cunaqabateynaha hay’adda Qaramada Midoobay ee saaran Kuuriyada Waqooyi.

Illo wareedyadan ayaa sidoo kale sheegay in sirdoonka ciidamadda badda iyo sawiro lagu qaaday dayax gacameedka ay muujiyeen maraakiib ka howlgaleysay dekaddaha Ruushka ee badda Pacifi-ga.

Mid ka mid ah illo wareedayadan ayaaa sheegay in aan loo heyn cadeyn in xukuumada Ruushka ay ku luglahayd arrintaan.

Milkiilaha midka mid ah maraakiibta ayaa lagu eedeeyay inuu shidaal geeeyay Kuuriyada Waqooyi, balse waa uu beeniyay eedeymahaasi.

Marsii horeysay, ayaa waxaa soo baxay in Kuuriyada Kuunfureed ay qabatay Markab ka diiwaan gashan Shiinaha, kaasi oo looga shakiyay in sidaan oo kale uu shidaal u geeyay Kuuriyada Waqooyi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso