Gudaha Ka Eeg :Ururka Aqoonyahanka Reer Somaliland Ee Wax Ka Soo Bartay Sudan Oo Xaflad Soo Dhawayn U Qabtay Laba Wasiir Oo Wax Ku Soo Bartay Sudan Oo Madaxweynuhu Magacaabay + Sawiro

Ururka Aqoonyahanka Reer Somaliland ee Wadanka Sudan Cilmiga Ka Soo Bartey Ayaa Xalay Madal Soo Dhaweyn Iyo Duco Ah u Qabtey Labada Wasiir oo Sudan Wax Ka Bartey Oo Dhawaan Madaxweyne JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi Uu Magacaabay. Oo kala ah Dr Abdiweli Sh. A/lahi Suufi Wasiirka Isgaadhsiinta Iyo Technologydda Iyo Eng Abdiqani Maxamuud Caateeye Wasiirka Cadaaladda Ayaa Ka Mid Ah Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Cusub. Iyagoo Aqoontooduu Jaamacadeed Ku Soo Dhigtey Wadanka Sudan.

Waxaana Ka Soo Qeybgalay Madashaas Agaasimaha Tacliinta Sarre, Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Kalluumeysiga Iyo Marti Sharaf Reer Sudan Ah.

Madashan oo ka Dhacdey Hotel Maansoor Ayaa Aqoonyahanka Sudan Wax ka Soo Bartey Iyo Marti Sharaftii Kale Hambelyo iyo Duco Uga Gudbiyeen Labada Wasiir. Iyagoo Ilaahey Uga Beryey in uu Xilkaa Qaran Ku Asturo Dalkooda Iyo Dadkooda Gaadhsiiyaa Horumar iyo Barwaaqo. Labada Wasiir Ayaa Gabogabadii Uga Mahadceliyey Ururka Aqoonyahanka Reer Somaliland ee Sudan Wax Ku Soo Bartey Qabashadda Munaasibadan. Waxayna Sidoo Kale Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uga Mahadceliyeen In Uu u Xushay Xilalkan.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso