Netanyahu: Uma oggolaan doonno Iran in ay sii xoojiso joogitaankeeda Syria


Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dalkiisa uusan oggolaan doonin in ay xoojiso Iran joogitaankeeda militari ee Syria.

Hadalka ra’iisul wasaaraha Israel ayaa yimid intii lagu jiray munaasabadii lagu soo gaba-gabeeyay Duuliyayaal Milatari oo Cusub ee ciidmada Cirka Israel xarunta Hataraim ee koonfurta dalka.

“Waxaan ilaalineynaa amnigeenna,” ayuu yidhi Netanyahu, “Waxaanan u oggolaan doonin ciidamada Iran in ay dagaan Suuriya si ay nooga weeraan, waxaanan ka hortagi doonnaa soo saarista hubka saxda ah iyo dilalka nalagu beegsanayo .”

“Israel si adag ayay u shaqaynaysa si ay u xoojiso awooddeeda hawada, dhulka, badda iyo cilmi baadhis iyo raadin ba.”

“Maanta, Ciidanka Cirka ee Isra`il waa mid aad u sareeya, iyada oo la adeegsanayo qalabka ugu fiican, teknolojiyadaha iyo diyaaradaha ugu fiican, diyaaradaha ugu fiican dunida, iyo weliba awooddooda difaaca oo sareysa oo awood u leh inay gaadhaan bartilmaameedyo fog fog.” Ayuu Yidhi Netanyahu.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso