Saar Wasiir Qalinkii: Saleebaan Ismaciil Mohamed

SAAR WASIIR

Qalinkii: Saleebaan Ismaciil Mohamed

 

Xisbiyahan, Qurbo-joog, Mujaahid, Af-miishaar, Qabiilyahan, Beel-yare, Aqoonyahan iyo Wadaad waa akhyaar indhihii waddanka ah, asxaab aan kala maarmin oo isku marfasha, midna ka kale la’aantii sheekada iyo mirqaanku ka xumaado. Waagii hore, waxay ahaayeen col daahi go’ay oo aan dabka kala shidan. Haddase, intii ka dambaysay doorashadii waxay noqdeen ood-wadaag mafrashyada iyo maqaaxiyaha ku sheekaysta.

Saaxibadan si ayaa loo wada qabtay; astaamo xanuun oo isku mid ah , cabasho oon kala fogayn iyo diihaal aan cimri keening ayaa ku wada habsaday. Fajac iyo yaab ayay ku noqotay talana ku caddaatay, go’aankii wuxuu noqday bal in dhakhtar loo tago.

Raggu waa rag shillis oo safafkan dhaadheer ee bukaan-socodka dhakhtaradeena ma gali karaan, se ceelalyo iyo fariin hore ayaa u sahashay inay dhakhtarkii la wada kulmaan una sheegaan in si isku mid ah loo wada hayo. Sidaa darteedna ay codsi ku gudbisteen in kulan guud loo wada qabto. Dhakhtarkii aqbal kana codsay inay bal mid mid ugu sheegtaan cabashadooda:

Xisbiyahan oo malaha ahaa kii ugu cabashada badnaa raga ayaa hadalkii qaatay kuna bilaabay, “dhakhtaroow, anigu waxaan ahaa xubin firfircoon oo kamida xisbiga qaranka, garaaca durbaanka cidi igama badin jirin, waxaan ahaa raga habeen iyo maalinba difaaca xisbiga u heelan, xisbiyada kale daadafayntooda anaa la ii diri-jiray. In badan baan Tv-ga ka canbaareeyay ragaanu is-haynay, xajiin iyo xumo aanay qabina marmariyay. Saaxiibadaydaan kala xisbiga noqonay hada shaaha iskuma shubno, ummad oo dhana waxaan uga eedoobay xisbigaa. Ku darsoo, xataa macalinkii quraanka ee ciyaalkayga ayaaban hada is haynaa oo caruurtii waxba ii bari la’. Waxaanan u malaynayaa inuu xisbigaan is haynay ii soo dhexmaray. Wax kasta oo dhacay iyo si kasta oo la iigu guurayba markii xilalka la magacaabayay aniga waa la i qadiyay. In kasta oo aan in badan isku dayay  inaan wax dhacsado, hadana fagaaro cidlo ah ayaa laygaga dhaqaaqay. Dhakhtaroow maalintaa muraaro dilaacan qaaday habeen oo dhan ma seexdo, inta aan socdana laamiyada dhexdooda ayaan ku riyoodaa. Kolba waxa lay tusaa anigoo wasiir ah oo hadba xaflad qalin jabineed khudbad ka jeedinaya, dadkoo dhami sacaadatul wasiirta i hayaan. Markaan sigto ayaan hoonka gaadhiyada iyo qaylada dadka ku baraarugaa. Bal markaa xal iyo dawo adiga ayaan kaa sugayaa, miyirkaygii iyo maankaygiiba halis buu ku jiraaye.

Dhakhtarkii: Haye, intaa waan qoray ee bal ragan kale ee saaxiibadaa ah iyana aan dhagaysano.

Qurbo Joog: Dhakhtar, anigu waxaan ahay Qurbo-joog wadanka iyo dadka jecel, waxaan ka mid ahaa aasaasayaashii xisbiga qaybtiisa dibada, isla markiibana waxaan noqday tiir dhaqaale oo xisbiga qaadhaanka u soo uruuriya. Malayn maysid inta aan ninkaygaa wayni islaan dhixirkeeda ka soo furay qadaadiic, malayn maysid intaan hadal wada calaacal iyo tolaayeey ah madal ka jeediyay ee kii gacanta adkaa aan dhiiga dhaqaajiyay, la tirin maayo intuu baraf meelaha igu dili gaadhay anigoo gobolada iskaga gooshaya. Waxaan is lahaa marka maandeeq dhasho kuwa dambarka u horeeeyaba magaabsha ayaad ka mid noqon doontaa. Laakiin, waxaa lay dhaafsaday kuwii marfashyada qabyaalada ka akhrin jiray ee aan midkoodna arin iyo adduun xisbiga ku tarin, waliba aan ka aqoon badanahay.

Ninkaygan aad arkaysaa, waxaan ahay aqoonyahan waayo-arag ah, waadigaa arkaya shanta erey ee aan idhaahdaba saddexbaa ingiriisiya, taygii iyo suudhkii sidii baan u xidhanahay oo waa kaa korkayga ku cadaaday . Barigaan qurbaha ka imid, magaalada oo dhami way i daba yaaci jirtay oo nin balaadhan ayaa lay haystay maalin walba casuumad ayaan joogi jiray, telefonkaygu mar qudha muu  aamusi jirin. Haddase cidi waxar jaarka ka luntayna dhahoo ima waydiiso. Markaa dhakhtar muraaro dilaaca i haya sidaa xaajigaa iga horeeyay loo helay ayaa anna lay hayaa.

Dhakhtarkii: Haye, intaa waan qoray ee bal ragan kale ee saaxiibadaa ah iyana aan dhagaysano.

Mujaahid: Dhakhtar, anigu hadalka badin maayo oo Mujaahidbaan ahay, dee nin gacan ka hadal bartaan ahay oo sida ragan calaacalka waa laygaga fiican yahay.Laakiin, mar hadii lay qadiyay oo xataa Wasiiru-dawle la ii diiday, intaan wadanka kaadidayda usoo cabayba waan qoomameeyaa. Bal eeg, waddanka kuwii aanu ka xoraynay ayaa maanta iiga galaan gal roonaaday oo hada iyagiibaan ku daba faylaa. Halkaa uu farmasigaagu ku yaalo intaan dagaal ka galay malayn maysid, waase adduunyee anigu waxba hays cilaajin baan lahaaye laakiin nimankan aanu isku marfashka nahay ayaa iga daynwaayay dhakhtar aan u tagno sidaasanan kuugu imig, dhibtaa ragaasi sheeganayaan waan la qabaa.

Dhakhtarkii: waan gartay ee bal saaxiibadaada kalena aynu dhagaysano.

Af-miishaar:  Dhakhtar, anigu waxaan ahay nin reer magaala, da’daa aan joogo tan dhana uga maan bixin. Waxaanan ka mid ahay raga reerkayaga ee la majeerto. Xisbigan cudurka na qaadsiiyay,  waxaan kusoo biiray muddooyinkii u dambeeyay oo qolooyinkaa kalaan la hayn jiray. Laakiin, markii odaygu ii soo cid diray sabaaladii ayaan isa soo dhiibay. Shirar badan oo aanu iskugu nimi, mid walba balanqaad gooniya ayuu ii dhigay in xil la ii dhiibidoono. Waan u sheegay, oon ku idhi, anigu Wasiirka Maaliyadda ayaan ku wanaagsanahay oo xagga lacagta aamin baan ku ahay, isna wuu ila qaatay. Ninkaygaa aad arkaysid xiligii olalaha, laba inan oo aan adeer u ahay ayaa xog hayn ii ahaa, midbaan wax kale qaban jirin ee telephonada uun ka jawaabi jiray. Dee ana intaa kumaan joogsane qofkii aan arkaba waxaan ku lahaa, agaasime kastam ayaan kaa dhigayaa markaynu guulaysano. Sidaasaan xisbiga dad badan ugu keenay. Maalintii aanu helnay foodka jaadkaan qaadaa wali laygu leeyahay. Waxa inta ii dheer, qofkii i arkaaba miyaan lagu magacaabintuun buu i hayaa, waxaan gaadhay heer aan gaadhiga iyo lambarka teleefonka iska badalo si aan la ii helin. Laba hablood oo qurbaha iigu maqnaa khaati baan ka dhigay, sidaan kolba u lahaa lacag soo dira waan daymaysanahee. Dee nin cosobsaday ha lagu moodo oo halagu tuhmo ayaa ishaa ii yeeshay dhaktar ee bal ka sitee.

Qabiilyahan: mudane dhakhtar, anigu waxaan ahay nin ka dhashay beelaha ugu waawayn ee Somaliland. Beeshayadu waa laandheere aan is aqoon. Xiligii doorashada waxaanu hal daba la’ ugu ridnay xisbiga, kadib markaan dadaal wayn ka galay in aan beesha ku qanciyo in ay taageeraan odayga. Wakhtiyo dhexe oo aanu kulan-doceed la galnay odayga, waxaanu u sheegnay in beeshayadu beel laan-dheere ah tahay oo sidaa darteed beelaha ka sad-bursan doonto.Ugu yaraan xilalka mid ka mid ah waad ku fadhiisan ayaan is lahaa, ilayn ninka reerka soo xero galiyay ayaan ahee. Laakiin way dhici wayday beeshii oo dhan waxaan cad-quudheedna ahayn ayaa loo tuuray. Hadda markaan odayga is nidhaa la kulmaba qolo ay isku reer yihiin oo aan reerkayaga la is tusin ayaa naga hortaagan, markaan fariin u dirnana maba gaadho. Iga walee marmar baan is idhaa intaad beesha shiriso kalsoonida ma kala noqotaan xukuumaddiisa ha lagu kala guuroba’e, haddana rajo aan dhamaanayn ayuun baan xeerinayaa.

Aqoonyahan: Dhakhtar, anigu waxaan ahay aqoonyahan waxaanan ku magac dheerahay ‘ninka saadaaliya isbadalka siyaasadda’. Waxaan sitaa shahaadooyin ciidaa ka badan oon dalka dibadiisa kala imid. Shahaadooyinkaygu shandado ayay buuxiyeen. Xilliyada doodaha inta badan waxaan si cad u taageeri jiray xisbigan na aafeeyaay. Sidii balantu ahayd, dawlad tayo badan oo tiro yar marka lasoo dhisayo kuwa ugu horeeya la qaato ayaan noqon lahaa, waayo wasaarado badan oo aniga mooyee nin kale oo aqoonteeda lihi aanu wadanka joogin ayaa jira. Waxaan is lahaa maalintii golihii ugu horeeyay lagu dhawaaqay liiska waadku jirtaa, laakiin wxuu wadnuhu hoos ii go’ay markaan iska waayay. Sidii wiilyar yar oo imtixaankii dhacay, huqdii I gaadhay wali kamaan soo kaban.

Dhaktar: Intaa waan gartay. Haye, bal idinkuna warama?

Beel yare: Dhakhtar anigu waxaan ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ee waddanka degan. Sida reeraha kalena, beeshayadu waxay xaq u leedahay in xilalka la magacabayo badhkooda la siiyo. Beeshaydu, oo aan hormuud u ahay, waxay haysatay balanqaadyo badan. Madaxdana waxaanu isku ogayn in caddaalad darada iyo takoorka na laga dayn doono. Kolay waad maqashaaye intaa hay’adaha xuquuqal insaanku way noo doodayaan, seminar kasta waa lagaga hadlayaa arinkayaga cidse dhag u dhigaysaa ma muuqato. Shakhsi ahaan anigu rajo aad  u wayn baan qabay oo sida nimankan saaxiibaday ah safkayagu ma dheera oo dabada la is ma wada haysto. Beel ahaan intaanu wasiir ku noqon karnaa way tirsantahay. Haddase, rajadii in maalin uun la ii yeedhi doono way soo gudhay. Waxaan sameeyo ma aqaan, marmarka qaar baaban is idhaahdaa cadaalad daradan maka tahriibtaa ee bal ila tali dhakhtar.

Wadaad: dhakhtar anigu wadaad caan ah ayaan ahay. Jimcayaasha  masaajidkaan khudbada ka akhriyo il-yartaa is qabata. Nin dadka u nasteexeeya oo wanaaga iyo danta guud ka shaqeeya ayaan ahay. Markaan bulshada soo dhex galo, xaakim maxkamad soo galay ayaa la imoodaa oo dadka oo dhami way ii wada kacaan. Waagii doorashada in badan baan qalbiga ku hayay taageerada xisbigan. Sidaa darteed, waanigii xisbigaa calanka saaray.Waxaan is lahaa marka hawshu dhamaato, nin lagu kalsoonyahay dadkuna jecelyihiin iskana yara ladan ayaad tahay oo waa lagu caleemo-saari doonaa. Sida nimankan saaxiibaday ah marfashyada ma fadhiisto oo bahalkaa qaadka ah ma cuno, se maqaaxiyahaan ku sheekaysanaa. Markaa dhakhtar Ilaahayba runta jecele, sidaa nimankaa loo hayo ayaa anna lay hayaa oo Saar Wasiir ayaa I galay.

Dhakhtarkii oo warkii ka daadagay xanuunka sifihiisiina gartay, ayaa ku yidhi nimankii,  “dee horta xanuunkani waa xanuun jira, waayadan dambana bulshadeena kusoo batay. Calaamadihiisa waxaa ka mid ah Is boqrid,  Madaxnimo jeclaan, Amaan  iyo Faan caashaq, Qab iyo Isla wayni, Kibir iyo In qofku is moodo inuu dadka ka aqoon iyo caqli badan yahay. Anigaygan idinla hadlaya laygama maqna oo sidaa laydiin hayo si leeg ayaa la ii qabtaa. Dee waydinka og kuwii dhakhaatiirta ahaa inay xagaa siyaasada u dhaqaaqeen oo hadda saarkii lacagta waanu ka soo ladnaanaynaa.  Barigii hore, hamigaygu wuxuu ahaa dadka ka shaqayso oo fooq dhiso, haddase saarkaa wasiirka ayaa i galay oo xanuunka waan idinla qabaa.

Hal talo oo aan baryahanba rogrogayay ayaan idin hayaa. Horta wax dawo ah idiin qori maayo oo xanuunkani dawo malaha  oo anaaba isku qori lahaa, laakiin  qolooyinka cilaajyada ayaynu u tagaynaa iyagaan maqlay inay quraan-saaraan xanuunkan,  dhir iyo taxliilna dadka u qoraane.

 

Qore: Suleiman Ismail

Email: duale136@gmail.com

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso