Wareysi-Kacdoonkii Dhalinyarada UFO Waxaa Keenay Markii ..-Xil shaadh.

Hargeysa(Toggaherer)-Wareysi-Kacdoonii dhalinyarada UFO Waxaa Keenay Markii ..-Xil shaadh.

Xildhibaan cabdiraxmaan cismaan dhaadh oo ka tirsan Mudanayaasha aqalka golaha guurtida oo aanu wareysi kooban la yeelanay ayaa si faahfaahsan uga waramay qaabkii ay ku bilabantay dhalinyaradii Ufo iyo kacdoonki ay kala horyimaadeen dowladii kaliye taliyihii Siyaad Barre (Siyaad afweyne)-waxaanu xildhibaanku arrintaasi kacdoonka dhalinyaradii Ufo dhaliyey uu ku sifeeyey xanuun iyo jidh dil lagu hayey Bulshadeena Somaliland ,iyadoo Dowladaasi kaliye taliyihii ay ablaha reer somaliland ku khasbi jirtay in sunayaasha laga xeero .

Inkastoo xiliyada habeenkii Ciidamadii afweyne tacadiyo ugeysan jireen dad aan waxba galabsan,iyadoo bandoo la saari jiray ummadeena somaliland xoriyadana laga qaadi jiray ,arrimahaasi iyo qaar kalee badan ayaa keenay in laga horyimaado dowladii kaliye taliyihii siyad Barre oo Bulsho weyn somaliland ku xasuuqday diyaarado iyo hubka noocyadiisa kala duwan ,halgan dheer oo qadhaadhaa oo aynu la soo galnay ka dib ,waynu iska celinay somalia iyo wixii ay xaggaha ku jiidanaysayba,waxaana la xusi karaa in maanta dadkeena Somaliland ay si xoriyad ah ku nool yihiin iyo maamuusba,arrintaasi oo amaanteeda ay mudan yihiin Halgamayaashii ururkii xaq udirirka (SNM).

Daawo-Wareysigan oo faahfaahsan :

Advertisement

Ku Xayeysiiso