Raali noqo Aqoon yahan!

Raali noqo Aqoon yahan!
==================
Inta badan waxa dadka iska dhex gala, qofka aan weli waxba baran iyo marka uu barto ee uu haddana si qalloocda u fahmo ama uugu dhaqmi waayo aqoontaasi, labadaasi wax badan kuma kala duwanna, waxa lays bar bar dhigay in qofku dhex dabaasho wax aanu garanahayn (Cilmi u lahayn) iyo in uu isaga oo garanaya ku baddesho baadil iyo xaq darro.
Akhlaaqda xun waa Jaahilnimo, sida qaawanaanta (Tabarujil Jaahilaya) Zinada sida uu Nabi Yusuf Alle ka magan galayey.
Qaybyaaladda /qiirada qabyaaladeysani (Xamiyad Jaahiliyah).
Caddaalad la’aanta iyo Xukunka Alle oo Xeer kale lagu baddalaa waa (Xukun Jaahili). eedeyntiisu waa (Male Jaahilya).

Dhawr iyo toban jeer ayaa siyaabo kala duwan uu u sharraxay Qur’aanku, waxaad arkeysaa in sababaha u geynaya Jaahilnimadu ay ka mid yihiin:
1- Saboolnimo iyo ku tiirnaansho, sida Qabiilka, Xukuumadda, ama Dawlado kale oo ku garab mariya xaqa iyo xaqiiqda.
2- Sad-bursi; caddalad darro iyo dhac badheedh ah.
3- Kibir iyo isla weyni, is mahadin iyo isa sarreysiin.
4- Aqoon xumo iyo in uu Qofku dhex galo meel aanu Cilmi u lahayn.
Intaas iyo kuwa kalaba waxa loo tiirin karaa qofkaasi in uu yahay Jaahil ama ku dhacay Jaahilnimo, waaney sii kala waaweyn tahay.
(Jaahil waa qofka ku dhaqma wax diintiisa iyo dhaqankiisa lidi ku ah, haba lahaado aqoon maadiya ama mid diineed e!).
Alle ha ina badbaadiyo

Saad Subaan

subaan99@yahoo.de

Advertisement

Ku Xayeysiiso