Yaa ka masuula musuqa & maamul xumida ka jirta wasaaradaha & haayadaha dawliga ah ee dalka?.

Yaa ka masuula musuqa & maamul xumida ka jirta wasaaradaha & haayadaha dawliga ah ee dalka?.

Goor-maase laga bixi karaa musuqmaasuqa ragaadiyay institutions-ka dawladda?.

A). Waxa ka masuula masuuliyiin aan dadka badankooda u muuqan, kuwaas Oo ah ;

¤. Agaasime waaxeedada maamulka & maaliyadda.

Kuwaas oo badankoodu joogeen intii Somaliland jirtay-ba. Waayo caadiyan bedelka masuuliyiinta dawladdu wuxuu saameeyaa oo kaliya masuuliyiinta ay ka midka yihiin;

1. Wasiirka

2. W/ku xigeenka

3. Agaasimaha guud

4. Maareeyaha &

5. Gudomiyaha haayadaha madaxa banaan.

 

B).Waxa laga bixi karaa musuqmaasuqa ragaadiyay haayadaha dawladda marka meesha laga wada bedelo dhamaan agaasime waaxeedada maamulka & maaliyadda. Kuwaas Oo shaqadoodu noqotay musuq & wax is daba marin, shaqadana u haysta guri ay leeyihiin. Waayo qofku wuxuu baqdaa marka uu is leeyahay waa lagu bedeli, laakin markuu meesha yeesho lagama yaabo inuu ku kaco horumar dhanka shaqada ah. Taa cagsigeedana wuxuu ku kacaa musuqmaasuq & maamul xumo, taas Oo ah ta ragaadisay institutions-kii dawliga ahaa.


Wasiirka , Agaasimaha & maareeyaha  cusub ee wasaarad ama haayad loo magacaabo cida barta muauq-maasuqa & wax is daba marinta waa agaasime waaxeedada maamulka & maaliyadda (Director of Admin & Finance).

Isla markay kadinka ka soo galaan wasiirka, agaasimaha & maareeyaha  cusub, ayuu markaba agaasime waaxeedka admin & finance-ka wasaarad ama haayad waliba soo qoraa jeeg uu leeyahay saxeex wasiir,  agaasime & maareeye oo ay ku qoran-tahay;
♡. Inaasi waa labiskaaga
♡. Intaasi waa saladdada
♡. Intaasi waa bakhaarkii
♡. Intaasi waa kolaygii qaadka
♡. Intaasi waa naas-nuujinta madaxdhaqameedka.

♡. Intaasi waa shaxaadka

♡. Intaasi waa gaadhigii xaafadda u adeegi-lahaa.

Iyaba waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaaye. 
Sidaa darteed waxaan kula talin-lahaa una soo jeedin lahaa wasiirada & maareeyayaashs cusub ee uu soo xushay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi inay iska badalaan agaasime waaxeedada maamulka & maaliyadda ee wasaaradaha & haayadaha dawliga ah. Kuwaas oo ku milmay musuq-maasuqii baahsanaa & maamul xumadii xukuumadda diir & ayax ooman. Hadaba si ay iskula jaan-qaadaan jiilka cusub ee xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waa in ay ka qaadaan xilalka & masuuliyadda agaasime waaxeedadu u hayaan haayadaha dawliga ah.

Si xidida loogu siibo musuq-maasuga & maamul xumadii socotay 7-dii sano ee ayax kacay dalka haystay.

 

Horaa loo Soconayaa.

 

Qalinkii:- Gar. Keyse Koosaar Cilmi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso