Kuuriyada Waqooyi Oo “Weerar Internetka Ah ku Qaaday” 150 Dal

Hargeysa(Toggaherer)-Kuuriyada Waqooyi Oo “Weerar Internetka Ah ku Qaaday” 150 Dal.

Maraykanka iyo Britain ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay masuul ka tahay weerarka dhanka internetka ah ee la dhoho WannaCry kaas oo sannadkan horraantiisii saameeyay Isbitaallo, ganacsiyo iyo bandgiyo caalamka oo dhan ku kala yaalla.

Dadkii weerarka qaaday ayaa kombiyuutarrada xirtay, waxayna dalbadeen 300 ilaa 600 oo doolar

Weerarkan ayaa la sheegay in uu saameeyay 300,000 kombiyuutar oo 150 dal kala yaalla, kaas oo dhaliyay khasaare balaayiin doolar ah.

Waa markii koobaad ee Maraykanka iyo Britain ay eedayntan si rasmi ah u soo jeediyaan.

Thomas Bossert oo kaaliye u ah madaxweyne Trump ayaana markii u horraysay eedayntan u sheegay wargayska Wall Street Journal.

Bossert oo madaxweyne Trump kala taliya arrimaha ammaanka gudaha ayaa sheegay in eedaymahan ay “salka ku hayaan caddaymo”.

Laakiin wax caddaymo ah kuma uusan soo bandhigin wargayska, laakiin wuxuu sheegay in xogta ay heleen ay waafaqday kuwo kale oo ay heleen dalal kale iyo shirkado gaar loo leeyahay.

Wuxuu sheegay in Australia, Canada, iyo New Zealand ay Maraykanka la qabaan in weerarkan dhanka internetka ah ay ka dambayso Kuuriyada Waqooyi.

Waraysigaas ka dibna wasaaradda arrimaha dibadda ee UK ayaa Kuuriyada Waqooyi ku eedaysay in ay weerarka dhanka internetka ah u adeegsanayso si ay ugaga badbaaddo cunaqabataynada la saaray.

Waaxda qaran ee ammaanka internetka ee NCSC ayaa qiimayntii ay samaysay ku sheegtay in ay aad oogu badan tahay in kooxda burcadda internnetka ee Lazarus ee Kuuriyada Waqooyi ay gaysatay weerarkaas.

Bishii May combiyuutarrada Windows-ka isticmaala ayuu saameeyay weerar dhanka internetka ah macluumaadkii ku jirayna waa la xiray, dadkii adeegsan lahaana waxaa la waydiistay in ay lacago madaxfurasho ah bixiyaan si macluumaadkooda loogu soo celiyo, booliiska Yurub ee Europol ayaa baaxadda weerarka ku tilmaamay wax aan la filaynin.

Advertisement

Ku Xayeysiiso