Caasimaddii la mid ka ahayd dameerkii malabku saarnaa

Marka aad garan weydo qiimaha  aad leedahay  iyo muhiimadda aad u leedahay gayiga aad ku taalo  ama waxa aad kaga duwan tahay caasimadaha kale ee geeska,  wanaaga aad leedahay , hawsha iyo shaqada aad u hayso ummadda ,  intaa hadii aad fahmi weydo waa xaqiiq xaalku in uu noqonayo magaalo nabadd iyo barwaaqo haysata laakiin aan lahayn dawladd.

Shanta soomaaliyeed caasimadda kaliya ee aad si fudud  ugu noolaan karto waa Hargeisa , waxaad ka heleysaa nabadd buuxda, xoriyadd dhinac walba ah, dhaqaale si sahlan loo sameyn karo, sharci dawladeed oo aan jirin, waa dahab yaa isku heli karaa afartaa arrimood ee aan is raaci karin, nabad, xoriyadd, dhaqaale iyo dawladd la’aan.

Hargeisa waxay la dulman tahay waa magaalada ugu nabadda badan geeska africa ee qofku ku iman karo si bilaash ah,  30 dollar kaliya buu ku so galaa magaalada, hoteladda takaasida meelaha cuntadda lagu iibiyo xafladaha lacagta lagu galo, parking la dhigto gawaadhida, baabuurta la kireysto, aqalada kirada ah waxaasoo dhan  dawladdu wax canshuur ah kama qaadato.

Fanaaniinta daafaha aduunka ku nool waxay isla qireen Hargeisa inay tahay meesha ugu lacagta badan hadii show faneed lagu qabto xitaa xafladaha Yurub iyo USA ka lacag badan. Fanaan yar oo afsoomaali ku heesaya baa iska soo galaya dalka, hool baa lo kireynayaa dad kun qof ku dhow baa so galaya 20 dollar ama 15 dollar bu ka qaadanayaa , canshuur ma leh controol dawladeed ma jiro ,  fanaankaa wiig gudihii buu ku helayaa 15 kun dollar dib buu diyaarad uga raacayaa airbodhkii, nidaamkan dawladeed ee fududeeyey in sidaa hawsha yar lacag loo helo maxaa u diiday in ay waajibaad kooda dawladnimo ka qaataan , oo xoolahan faraha badan  ee ag marmaraya ay ka qaataan canshuurta ku waajibtay.

Askariga miskiinka ah ee nabada ilaalinaya ee 100 dollar ku shaqeynaya soo  ma dulmana, sababtoo ah nabadii uu isagu keenay baa lagu helayaa kumanaan kun dollar isagiina wuu ka qatan yahay.

Hargeisa  waxaa saaran diiradda dhamaan waxa afsoomaali ku hadla ayaa iskugu imanaya, mid cadaw ah iyo mid aan ahayn. Waa in la isku noqdaa oo laga tashadaa dalka sidii uu u yeelan lahaa maamul adag oo kontoroola dadkan sii socda ee soo socda.

Qofka afsoomaali ku hadlaya ee aan la garaneyn meel uu ka yimi iyo waxa uu yahay waa in la hubiyaa waxa uu u yimi iyo  u jeedada safarkiisa,  si caasimadda ay ula jaan qaado caasimadaha kale.  Dawladd la’aanta ina haysata waxa ka mid ah in wixii lacag sita aynu u so dhaweyno si sharaf leh, waa aqoon la’aan iyo badwnimo.  

Miyiga sheeko ka dhacdayberi ,  islaan reer miyi ah baa la kulantay nin dhar wanaagsan xidhan oo xagaa miyiga booqday, islaantii waxay mooday inuu ninkan yahay wasiir dawladda ka socda ma ba ay sugine  wixii ay cabasho haysay bay u sheegtay ninkii, iyadu waa garteed wasiir bu u eekaa ninku , waxaan uga socdaa Somaliland airpodhka markaad ka soo gasho waxaad arkeysaa dad badanoo sidaa islaantaa oo kale ah, wixii suudh xidhan ee lacag sita ee ay arkaan ba way daba yaacayaan xitaa qolka VIP da bay u furayaan wuxu doono ha noqdo xitaa haduu yahay sheydaanka ugu weyn aduunka wey soo dhaweynayaan.

Hargeisa waxay u baahan tahay in ay is la jaan qaadaan dawladnimadda , nabada,  xoriyadda iyo dhaqaalaha.

Dhamaad.

Xassan nuur xaaji cabdi cilmi

hasanelmi303@hotmail.com

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso