Munaasabad iyo xaflad Lagu Maamuusayay Saddex Dameer oo Ka Fadhiistay Shaqada Hawlgabna Noqday Dalka Turkiga!

Degmo Turkiga ku taal ayaa xaflad u qabatay saddexda dameer oo loo isticmaalo ururinta Xashiishka Goobaha Cidhiidhiga ah oo hawlgab noqday waxaana xaflada lagu soo bandhigay Muusiga Bethen iyo Mozart Waxana lagu casuumay khudradda iyo midho.

Degmada Turkiga ee Artokulo ee gobolka Mardin ayaa xafladan aadka u quruxda badan u dhigay saddexda dameer ee hawlgab ah ka dib markii ay muddo dheer ay qaadayeen xashiishka goobaha cidhiidhiga ah ee ay adag tahay in gawaadhida degmooyinku ay galaan sababtoo meelaha jaranjarooyinka ah.

Saddexda dameer ayaa loo sameeyay xafladan loona qabtay Maalintii Jimciha degmada Artokulu ee gobolka Mardin koonfur bari ee Turkiga, degmada waxa ka shaqeeya 40 dameer oo qashinka ka soo qaada goobaha Cidhiidhiga ah ee leh Jaranjarooyinka ama salaamada.

Nadiifiyeyaasha waxay saaraan laba dambiilood ama saladood dusha dameerka iyaga oo mariya goobaha aanay geli karin Gaadiidka gura Xashiishka .

Munaasabadda ayaa ka dhacday meel u dhow Xarunta degmada halkaas oo dhammaan dameeraha magaaladu ku nool yihiin,waxaana loo ciyaaray muusikada caadiga ah, gaar ahaan Mozart iyo Beethoven.

Munaasabaddan waxaa lagu Casuumay saddexda dameer intii intii lagu jiray Xaflada khudrad iyo midho cusub waxaana lagu soo bandhigay dadaaladooda iyo halgankii adeegga degmada iyo dadka magaalada.

Munaasabadda xafladda agaasimaha degmada ee Dhinaca nadaafada ama Faya Dhawrka Kadri Tubarli ayaa sheegay in ay tahay inay isticmaalaan dameeraha si loo soo ururiyo qashinka, sababtoo ah dad badan ayaa degan Goobaha cidhiidhiga ee lagana galo jaranjarooyinka.

Wuxuna tilmaamay in degmadu hadda leedahay 40 dameer oo loo isticmaalo ururinta qashink, waxana uu sheegay in khubaro ay si joogto ah u hubinayaan xaaladda caafimaad ayna go’aamiyaan inay soo gudbiyaan dameeraha aan awoodin inay sii wadaan inay shaqeeyaan si ay u helaan Hawlgabkooda.

Wuxuu sheegay in dameeruhu ay shaqeeyaan qiyaastii 8 ama 9 sano, ayadoo ay ku xidhan tahay xaaladdooda caafimaad.

Marka uu ka jawaabay Su’aal haddii ay jiraan lacagta hawlgabka ee dameeraha wuxuu ku jawaabay: “Maanta ka dib ma shaqeyn doono, baahiyahooda oo dhanna waa la dabooli doonaa ilaa iyo dhimashadooda.”

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso