Raadinta Inanta Trump oo Weli ka socota Sacuudi Carabiya!!!!

Inkastoo booqashadii iyada iyo Aabaheed ee Sucuudi Careebiya ka soo wareegtay toddoba-bilood haddana Inanta madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, Ivanka, ayaa weli ah kuwa ugu badan ee laga raadiyo internet-ka sida ay muujinayso tirakoobyada raadinta Google.

Ivanka Trump ayaa kaalinta saddexaad ka gashay luuqadda Ingiriis, taas oo muujinaysa ereyada aadka loo isticmaalo iyo isticmaalka internetka ee gobollada kala duwan ee adduunka iyo luuqado kala duwan.

Markii ay booqatay Boqortooyada Bishii May waxaa lagu daabacay Twitter waxayna noqotay mid ka mid ah Haashtaaga ugu caansan adduunka.

Qaar badan oo ka mid ah dadka barahaa wax ku qoray ayaa ku amaanay kuna tilmaamay “Qruxda” Ivanka, qaarna xitaa waxay waydiisteen in ay guursadaan iyada oo la isticmaalayo Haashtag isku mid ah, inkasta oo ay xaas tahay, taas oo ka cadheysiisay Haweenka Sucuudiga dhaleeceeyayna.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso