Dollar Faalso ah si Heer Sare ahna loo Farsameeyey +Tuhunka oo Galay Waqooyiga Kuuriya!!!

Waxaa jira shaki sii kordhaya oo ah in North Korea ay samayso lacag Faalso ah oo ah noodhka Boqolka Dollar ah $ 100 , qaab aad u qarsoon oo aan la garanayn, kadib markii tiro ka mid ah laga helay South Korea.

Sida laga soo xigtay wargeyska The Telegraph, khubaro lacagta Faalasada ah ee bangiga KAPHANA ee Korea da Koonfureed ayaa fashiliyey Noodh $ 100 Faraca ama laanta BaankaSeoul bishii November.

Helitaanka kooxda ayaa walaac ka muujiyay Koonfurta Kuuriya, sababtoo ah mas’uuliyiinta ma oga in haddii ay jiraan waraaqo isku mid ah oo ku baahsan dalka oo dhan.

Noodhka ayaa 2006 waxaana loo sameeyey si aad u saraysa marka loo eego dhinaca khadka iyo warqada. Midabka waraaqda ayaa isbeddelaya marka loo dhigo iftiinka, sida waraaqda dhabta ah ee $ 100.

Marka tayada Noodhka la xaqiijiyay, Waqooyiga Kuuriya ayaa markiiba noqoday tuhunkii ugu horreeyay, oo markii hore caan ku ahayd Sawiraada ama Faalsaynta lacagaha caalamiga ah si loo sugo lacagta dawladda .

Waqooyiga Kuuriya ayaa sidoo kale u muuqata in ay qabto baahi weyn oo dhaqaale maaliyadeed ah, ka dib markii cunaqabateen caalami ah ay ku jirtay sababtayna barnaamijkeeda nukliyarka, taas oo u keeni karta lacagaha been abuurka ah inay samayso.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso